Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Wasiir Duur Oo Maanta Ka Warbixiyay Doorashada Madaxwaynaha Cusub Ee Soomaaliya Oo Ka Tirsan Ururka Islaax ,Dhalinyaradii Al-Shabaab Tagtayna Ugu Baaqa+Arimo Kale Oo Xiisa Badan+Video

Filed under: VIDEOS,WARARKA SOMALILAND & SOMALIYA |

 

Hargeysa-(BNO) Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa ka hadlay Muranka dhuleed ee ka taagan Waqooyiga Somaliland, halkaasi oo ay ku muransan yihiin beelaha Somaliland qaarkood.

Wasiir Duur, waxa uu sheegay in Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo dhawaan guddi u saari doono khilaafka ka taagan deegaano ka mid ah Waqooyiga gobolka Marood-jeex, waxaanu sheegay in murankaasi aanu wax saamayn ah ku yeelanayn doorashada deegaanada.

Wasiir Duur, waxa kale oo uu ka hadlay doorashadii Somaliya, waxaanu sheegay in Wasiirro ka mid ah xukuumadda Somaliland oo uu ku jiraa ay saamayn ku lahaayeen doorashadaasi isla-markaana ay Musharixiinta qaarkood doonayeen inay ku soo baxaan xilka Madaxwayne-nimada Somaliya.

Wasiirka Daakhiliga oo maanta Wareysi siiyay Wariye Xamse Cali Bulbul oo ka mid ah Telefiishanka Madaxa-banaan ee HCTV ayaa sidoo kale ka hadlay labada xil ee uu isku hayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Cirro, waxaanu sheegay in aanu jirin sharci u diidaya in Cirro ahaado Guddoomiyaha Wakiilada iyo Guddoomiyaha Wadani, isla-markaana uu la mid yahay Mayaarada dalka ee isku sharaxaya doorashada deegaanada dalka.

Wasiir Duur, waxa kale oo uu baaq u diray dhalinyarada reer Somaliland ee ka midka ah kooxda al-shabaab, waxaanu u soo jeediyey inay toobbad keenaan oo ay dalkooda hooyo dib ugu soo laabtaan.”

Halkan Hoose Ka Daawo Warbixintaas Oo Maqal Iyo Muuqaala.

Booramaonline Desk

Hargeysa/Somaliland