Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Cod Aqlabiyada Ku Meel Mariyay Wasiiro Dhawaan Madaxwayne Siilaanyo Magacaabay.

Filed under: WARARKA SOMALILAND & SOMALIYA |

 

Hargeysa-(BNO) Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Wasiiro oo dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Fadhigan oo uu Shirguddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla-markaana ay ka soo qayb-galeen 49 Xildhibaan oo ka mid ah 82 mudane ee uu ka kooban yahay Goluhu, ayaa waxa lagu ansixiyey Wasiirada Warfaafinta iyo Waacyigelinta Abiib Diiriye Nuur (Abiib-timacad), Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal,Wasiirka Shaqada iyo arrimaha

Bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad), Wasiiru dawlaha Wasaarada Maaliyada Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Xoghayah Golaha Wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa ka hor intii aan codka loo qaadin ansixinta Wasaaridan ka hor akhriyey Golaha taariikh nololeedka iyo waayo-aragnimada shaqo ee ay leeyihiin xubnahan Wasiirada ahi.

Anixinta Wasiiradaasi ayaa u dhacday sidan:-
Wasiirka shaqada iyo arrimaa bulshada Maxamuud Axmed Garaad, waxa u codeeyay, 45 xildhibaan, 2 mudane ayaa ka aamusay cid diiday ma ay jirin guddoomiyuhuna muu codayn.

Wasiirka Warfaafinta iyi Wacyigelinta Abiib Diiriye Nuur ( Abiib Timo-cad) , waxa u codeeyay ansixintiisa 45, waxa ka aamusay 2 xildhibaan, cid diiday may jirin.

Wasiirka Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo dhaqanka Cali Siciid Raygal waxa u codeeyay 45, waxa ka aamusay 2 mudane cid diiday may jirin.

Wasiiru Dawladaha Nabadaynta Gobolada Bari Kayse Cabdi Yuusuf , waxa u codeeyay 42, waxa ka aamusay 5 , cid diiday may jirin,

Wasiiru Dawladah Maaliyada Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), waxa u codeeyay 45, waxa ka aamusay , waxa ka aamusay 2 xildhibaan cid ka aamustay may jirin .”

Booramaonline Desk

Hargeysa/Somaliland