War-Saxaafadeed Madaxwaynaha Cusub Ee Soomaaliya Oo Maanta Kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin La Qaatay Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayay Wakiilka Cusub Ee Midawga Yurub Soomaaliya U Soo Magacwaday Michal Caravan+SAWIRO

Filed under: WARARKA SOMALIYA & CAALAMKA |

Muqdisho-(BNO) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ku qaabilay Wakiilka Cusub ee Midowga Yurub usoo Magacaawday Dalka Soomaaliya Michal Caravan.

Kulanka Labada Dhinac dhax maray ayaa ahaa mid ilbaabada u xirnaayeen waxa ayna Labada Dhinac kawada hadleen Xaalada Dalka Soomaaliya iyo sidii Midowga Yurub gacan uga geesan lahaayeen soo celinta Nabada Soomaaliya iyo Waliba Dhanka Hor marka.

Kulanka kadib waxaa Saxaafada uga warbixiyay Waxyaabihii looga hadlay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya Xaamud Cali Maasheeye waxa uuna sheegay in Madaxweynaha iyo Safiirka Midowga Yurub ee Arimaha Soomaaliya kulankooda uga wada hadleen xaalada dalka,Isbadalada ka jira Soomaaliya iyo sidii Midowga Yurub gacan u siin laheed Dowlada Cusub.

Safiirka Midowga Yurub ee Arimaha Soomaaliya Michal Caravan oo isna Saxaafada la hadlay ayaa ugu horeen umada Soomaaliyeed uga mahad celiyay sida wanaaga badan ee gudaha Soomaaliya uga dhaceen Doorashooyinkii lagu Doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxa uuna sheegay Safiirka in Midowga Yurub Dowlada Soomaaliya uu ka taageerri doono dhinacyo kala duwan ayna diyaar u yihiin Sidii Soomaaliya ay mar kale cagaheeda iskugu soo taagi laheed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo Markii uu qabtay Xilka Madaxweynaha waxa uu kulamo la qaadanayay Masuuliyiin iyo Safaiiro ka kala socday Dalal badan oo Caalamka ah kuwaa uu kala hadlayay sidii Dowladiisa taageero usiin lahaayeen.