Islamabad-(BNO) Wasiirka jidadka ee dawlada Pakistan Ghulam Axmed Bilour ayaa ku dhawaaqay inuu bixinayo lacag abaalmarin ah oo gaareysa $100,000 doolar (boqol kun doolar) ruux soo dila ama xitaa soo qabta ninkii sameeyay filimkii aflagaadada ahaa ee lagu jaa’ifeeyay diinta Islaamka iyo Nabigeena Suuban SCW.
Wasiirkan oo ka hadlay magaalada Islamabad ee wadanka Pakistan ayaa shaaca ka qaaday inuu bixinayo lacag gaareysa boqol kun doolar haddii la soo helo ninkaasi.
“Waxaan maanta ku dhawaaqayaa ninkaan diinta caayey haddi la soo dilo inaan shakhsigii dila ku abaalmarinayo boqol kun oo doolar” ayuu yiri Ghulam Axmed Bilour oo ka hadlay magaalada Islanabad kadib dibadbaxyo waaweyn oo dhimasho sababay oo lagu diidan yahay aflagaadada diinta oo shalay halkaasi ka dhacay.
Abaalmarino kale oo la ballanqaaday
Mr Ghulam Axmed Bilour wuxuu sheeegay in haddii ay jiraan dad soo sheegi kara meesha uu ninkaasi joogo oo gacan ka geysaneysa diulkiisa inuu iyana ku bixinayo abaalmarino isugu jira dabah iyo lacag caddaan ah arintaasoo dadweynaha reer Pakistan iyo Muslimiinta caalamka ay soo dhoweeyeen.
Mudaharaadyo waaweyn oo lagu muujinayo dareenka dadka Muslimiinta ee reer Pakistan ay kaga soo horjeedaan gefka loo geysanayo Islaamka ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay hareeyay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi iyadoo dad gaaraya 21 ruux ay ku dhinteen rabshado ka dhacay dalka Pakistan.
Al-Qaacida iyo Daalibaan oo lagu martiqaaday
Wasiirka Ghulam Axmed Bilour ayaa hadalkiisa ku daray in xitaa dagaalyahanada Al-Qaacida iyo Daalibaan ay u furan tahay inay ka soo qeybgalaan raadinta lagu hayo ninka sameeyay filimkaasi oo la sheegayo inuu asal ahaan ka soo jeedo Bariga Dhexe laakiin uu ku nool yahay dalka Mareykanka.
“Waxaan ku martiqaadayaa walaalaha Daalibaan iyo Al-Qaacida inay ka qeybgalaan shaqadan barakeysan” ayuu yiri wasiirka.
“Gacanteydaan ku dili lahaa”
Wasiirka jidadka ee Pakistan wuxuu kaloo wacad ku maray inuu isaga gacantiisa kudili doono ninka sameeyay filimka Islaamka lagu aflagaadeeyay haddii loo soo gacangeliyo.
“Waxaan sidoo kale ku dhawaaqayaa in haddii dawlada igu soo wareejiso ninkaasi aan ku dili doono gacanteyda, kadibna haddii la doono aniga ha la i daldalo..” ayuu sii raaciyey wasiirka hadalkiisa.
Tani waxay qeyb ka tahay jawaabaha kulul ee dhamaan dunida Muslimka ka soo baxaysa ee looga jawaabayo filimka foosha xun ee lagu sameeyay wadanka Mareykanka kaasoo diinta Islaamka lagu aflagaadeeyay. Waxaana weli wadamo badan oo adduunka ka mid ah ka socda bannaanbaxyo lagu diidan yahay filimka laguna dhaleeceynayo siyaasadaha reer galbeedka ee sharta xambaarsan.
Meelaha ay dibadbaxyada saameeyeen waxaa ka mid ah qaar ka mid ah wadamada Yurub, sida Faransiiska iyo Jarmalkaiyadoo wadamada Carabta iyo kuwa Islaamka ahna dibadbaxyada lagu weeraray safaaradaha reer galbeedka.”
Booramaonline Desk
Islamabad/Pakistan.