Maxey Salka ku hayaan Qaraxyada iyo Dilalka Qorsheesan ee Maalmahan kusii kordhaya Magaalada Muqdisho ?+Warbixin Xiisa Badan.

Filed under: WARARKA SOMALIYA & CAALAMKA |

Muqdisho-(BNO) Tan iyo Markii Dowlada Cusub ee Soomaaliya lagu dhisay Magaalada Muqdisho waxaa sii kordhay Dilaka Qorsheesan,Qaraxyada Miino iyo Weerarada Ismiidaaminta ah ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

Dad badana ayana isweediinaya sababaha xiligan gadaal ka riixaya Falalkan amaan dari ee sii kordhaya taa oo aad u yaraayeen Xiligii Dowladii KMG ,iyadoona arintaan amaan darida ee Magaalada kusoo korortay loo sababeeyay dhoor arimood.

Waxaa kamid ah Sababaha amaan xumida keenaya ay dadku hadal hayaan Wada shaqeyn la’aan ka dhaxeysa Hay’adaha amaanka iyo madaxda sare ee dalka iyo sidoo kale Saraakiisha ,iyo Taliyaasha Ciidanka Dowlada iyo Masuuliyiin kale oo ka niyad jabsan in aysan kasii mid ahaan doonon Dowlada Cusub hadii ay saldhigato.

Waxaa aad u yar Howlgalada Ciidamada Dowlada ee hada uga hortagaan falalka amaan dari ee Qaraxyada iyo Dilalka Qorsheesan waxaana la sheegayaa in Saraakiisah iyo Taliyaasha Ciidamada Qabaan tuhun ah in la badali doono hadii dhawaan lasoo Dhiso Xukuumada Cusub .

Waxaa sidoo kale kasoo bixin Shaqadii laga rabay Maamulka Gobolka Banaadir oo iyagu inta badan niyada ku heesta in Daaqada ka bixi doonaan maadaama ay u badnaayeen Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sargaal katirsan Ciidamada Dowlada ayaa sidoo kale Falalkan amaan darida ee sii kordhay u aaneeyay Wada shaqeyn la’aan ka dhax jirta Dhinaca Ciidanka Dowlada Dhaxdooda iyo Waliba Shacabka oo iyagana aan gacan ka siin Ciidamada soo war galinta Dambiilayaasha ku dhax jira.

Isku soo duuboo Falalkan amaan dari ee soo kordhay Magaalada ayaa Noqday kuwa Qal qal iyo cabsi badan galiyay Dadka Shacabka ah ee kunool Magaalada kuwa aoo hada yareeyay Socodkooda xiliyada Habeenkii iyo Waliba Maalinkii.

Booramaonline Desk

Muqdisho/Soomaaliya