QURBO MAXAA YAAL? WAA QISO DHAB AH..QAYBTII 2AAD BY WARIYE XASAN KARANI?
Oslo-(BNO) Waxa la soo gaadhey wakhtigii lays ka wareysan lahaa dhankasti haday tahay dhanka lacagta, nidaamka iyo meesha ugu dambeysay ee lacagtaadu ku dhaamto.
Yaabka yaabki waxa hotelka noogu yimid wiilashii iga soo waday madaarka waxayna i na waydiyeen qorshaha aan maagan nahay iyo u jeedada aan intan u imaneyn ayakoo hadana iska og qofka soomaliga ah ee Iraan yimaad laba mid uun buu noqdaa ama arday ama qof raba inuu ka sii tahriibo.
Laba dayadiiba waxasn u sheegnay inan tahriibayaal nahay rabnana ina lanaga caawiyo dhanka farsamada iyo isku xidhka.Wiilashii waxay noo sheegen inay ayako naga caawin karan dhankaasi kana welwelin hadii ay lacagtayadu diyaartahay hadii kalena ay adagtahay sida wax loo furdaamiyo, waayo wadanka wax xawaalad ah kama shaqayso hab kale oo wax loo gudbin karana ma jiraan ayay yidhaahdeen waxayna intaasi sii raaciyeen inan bixino lacag dhan 1400 doollar qofkiiba.
Aniga oo ka yaaban wadanka sida horumarka loogu sheegayey iyoo magaca aduunka uu ku leeyahay hadana lahayn aalado lacagta lagu kala wareejisto, intaasi waxa sii dheer hadii qof arrimahaa lacag gudbinta lagu qabto asaga oo ku dhex jira ina uu mutaysan karo xabsi adag.Siday doontaba ha u dhacdee lacagihii wan dhiibney balse waxay su’aali ka taagan tahay, sidee ayad u aamineysaa qof aan damaanad ka haysan, garashana jirin se maxaa ku qabsan doona hadii lagaa dhaco lacagtii aad sidaad ku soo heshay ama ku soo shaqaysatay aad ogayd.
Waxa dhacda ina wiilash iyo gabdhaha soomaaliyeed intooda badan loo soo gado guryahoogi amase jagooyinkoodii ,inkastoo taasi jirto hadana qofku marka uu joogo meelaha sida Wadanka Iraan oo kale qasab ayey ku tahay ina uu go’aan degdeg ah qofku gaadho marka ay timaad dhanka lacag bixinta iyo is furdaaminta waayo hadii kale waxa dhici kartaa ina lagaa maarmo oo laga tago meel tol iyo gargaar midna aad ka helin hadii lagaa tago.
Waa inaad aamintaa qofka lacagta aad u dhibayso si waliba bilaa shuruud ah, guul ama guul daro qofku wa inuu ku talo galaa, walow aan odhan karo inay yartahay ama aysan jirinba qof tahriibe calaami ah oo inta badan marayaa Iraan oo kale la dhaco, waxkasitba sida loogu talo galay ayey u dhacayaan waayo waxan waa shaqo nina shaqiisa ma rabo inay ka joogsato waa nolnol maalmeed hawl iyo isku xidh badan la socoto,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,, la soco qaybta 3aad iyo todobaadka dambe.
WARIYE XASAN KARANI
OSLO ,NORWAY