Boorama-(BNO) Marwo Basra Jirde Shiil Waa hooyo ku soo laabatay dhulkeeda hooyo ka dib markii ay mudooyin badan ay ku noolayd wadanka dibadiisa si ay ula qaybsato bulshada ku dhaqan Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley ee ay ka soo jeedo ,hawlaha horumarineed iyo tan bulsho ahaaneed ee ka socoto degaanadaas.
Marwo:Basra markii ay ku soo laabatay caradii hooyo waxa ay bilowday sidii ay u indho-indhayn lahady xaalada guud iyo tan gaar ahaaneed ee bulshada ku dhaqan goboladaas ugu kuur gali lahayd duruuftooda iyo dhinacyada u baahan horumarka hadii ay noqon lahayd, waxbarashada, caafimaadka ,wacyigalinta iyo dhismayaasha wadooyinka Goboladan.
Marwo:Basra waxaa intaas u dheerayd in ay u kuur gasho ama ogaato dadka danyarta ah eek u noo caasimadaha goboladaas kuwaas oo dadkaasi iskugu jiraan , caruur agoona,dadkale oo liita oo dhaqaale ahaan aad uu hooseeya.
Marwo Basra markii ay intaas oo dhan u kuur gashay waxa ay bilowday in ay samayso urur lagu magacaabo TAWFIIQ oo ay iyadu gudoomiye ka noqotay ujeedadiisa koowaadna uu yahay sidii ay baahiyaas oo dhan uga qaybqaadan lahaayeen.
Ka dib markii ururkan ay aasaastay oo ay ka mid ahaayeen xubno kale oo aad u firfircoon oo gudaha dalka ku sugan ayna ka mid yihiin Dr:Rooda Ibraahim Rijaal, Marwo:Hinda Cadoosh Aare, Sudlaan Mahdi Adam Riiraash(Guray) , Mudane C/qaadir Aadam Nuur ,Eng Maxamed Maxamed Yuusuf, Mudane:Maxamed Cali Cumar.
Ururkan Tawfiiq oo haatan jira mudo aad u kooban oo aan ka badnayn dhawr Sanno ayaa waxa uu qabto hawlo aad u baaxad wayn oo dhinaca bini-aadantinimada waxa uuna haatan gacanta ku hayaa qoysas iyo caruur agoona oo kur u dhaafaya Boqolaal , waxa kale oo uu ururkani qabtay taageerayna dadyaw badan oo xanuuno halis ahi ku habsadeen awoodna u waayay in ay tagaan dhakhtarada.
Dhanka kale ururkan ayaa mudadaas uu jiro waxa kale oo uu caawimo balaadhan ka gaystay xaaladaha Abaareed ee dhawaan gobolada Galbeedka ku habsaday, xaaladaha caafimaad oo uu si wayn uga dhex muuqday dhismihii iyo dhamaystirkii dhakhtarka dhimirka Boorama iyo hawlo kale oo fara badan.
Marwo Basra Jirde Ayaanan ku koobnayn oo qudha caawinta dadka liita ama ka qaybqaadashada dhinaca horumarka waxaase kale oo jirta ay ay qayb ka tahay gudiga wanaagfarisa iyo xumaan reebista gobolka Awdal kuwaas oo u badan culumo waxa ayna todobaadkiiba maalin ama labo ay sameeyaan wacyigalin diimeed oo dadka ay ka wacyigalinayaan wixii xun ayna farayaan wixii wanaagsan ee uu eebbe subxaanahu watacaalaa raali ka yahay.
Si kastaba ha ahaatee ma soo koobi karno hawlaha wanaagsan ee ku dayashada mudan ee Ay Marwo basra Jirde Shiil ka qabato goboladaas aan kor ku soo xusnay gaar ahaan Xarunta Gobolka Awdal oo run ahaantii noqonaysa Haweenayda qudha ee ilaa haatan dalka dib ugu soo laabatay hawlahaas khayriga ah ee fara badana bulshadeeda u haysa taas oo ay inta badan baahiyaha hadba taagan u bandhigto qurba jooga ka soo jeeda goboladan Awdal/Selel iyo Gabiley ee waxqabadka jecel taasina ay ku timid in ay wax badan ka qabataan Qurba Joogaas ku xidhan iyo ururkeeda waxa ayna mudan tahay in la gudoonsiiyo mid ka mid ah shahaado sharafyada Caalamiga ah ee Noble Peace Priceska .
Reporter: Liibaan Maxamed Axmed (Liibaan Liimo0
Boorama/Office/Somaliland