Boorama-(BNO) Ururka IFTIIN Waa urur dhalinyaro ah oo ku bahoobay qurxinta , Nuurista Iyo Bilicda Wadooyinka waawayn ee Magaalada Boorama Dhex Mara, ururkan oo ka kooban dhalinyaro kor u dhaafaya labaataneeyo ayaa waxaa la aasaasay mudo haatan laga joogo dhawr sanno ka hor waxaana ay ku midoobeen magacan ah IFTIIN.
ka dib dadaal dheer iyo ujeedo fog oo ay dhigteen waxa ay ku guulaysteen wajigii hore in ay wadada laamiga ee halbawlaha Magaalada Boorama ay ku taxeen khashaafadaha waawayn ee wadamada horumaray laga isticmaalo kuwaas oo kaashanaya shacabkooda iyo dadwaynahooda reer Boorama ee had iyo jeeraale jecel wax wada qabsiga iyo iskaa wax u qabso.
Ururkan Iftiin ee dhalinyarada ah ayaa ku hawlan in wajiga labaad ay ku talaabsadaan sidii ay guud ahaan wadooyinka iyo meelaha muhiimka ah ee la iskugu yimaado ku xidhi lahaayeen khashaafadahan noocanoo kale ah waxaana himiladoodu tahay sidii Boorama ula jaanqaadi lahayd Caasimadaha Horumaray ee wadamada Dunida Koowaad ku jira.
Si kastaba ha ahaate ururkan IFTIIN ayaa noqonaya ururkii labaad marka laga yimaado ASARDA oo wax muuqda Bulshada Reer Boorama Ee Aan Ceelna U Qodnayn Cidina u maqnayn u qabtay waxa ayna tani noqonaysaa mid ku dayasho mudan oo loo baahan yahay in cid waliba la timaado fikir wanaagsan oo bulshada u cuntama taasna waxaa lagu gaadhi karaa horumar iyo mustaqbal wanaagsan oo ifaya waxaana ay mudan yihiin dhalintani mid ku amaanan hawshan wanaagsan ee ay soo kordhiyeen.
Reporter:Mawliid Maxamed Muxumad(Mawliid Hanad)
Boorama-Office-Somaliland