Fadlan Ku Soo Dir Bogan Tacsida Shahiid Jimcaale Cabdi Oo Ahaa Wiilkii Dhalinyarada Ahaa Ee Ku Geeriyooday Banaanbixii Ka Dhacay Boorama

Filed under: WARARKA SOMALIYA & CAALAMKA |

Fadlan Allaha U Naxariistee Halkan Ku Soo Dir Shahiidkii Ku Shahiiday Xoraynta Degmada Saylac Shahiid Jimcaale Cabdi

booramaonline@gmail.com

tacsi ku socota dhamaan dad waynaha ku abtirsad g/awdal/sacadiin/gabilay g/ahaan qyskii u kabaxay marxuun jimcaale cabdi

 

iyo   aniga   oo    ka    cudur   daaranaya    inan   kii   kale   ee   dhaawaca   u    geeriyooday   markii   dambe   garashao la aan   magaciisa    waxaan   leeeyahay   samir    iyo    imaan   alah   hai   idinka   siiyo   idinka   iyo  anagaba  naxariisti   jano   alah  haka    waraabiyo   gacan   kasaraysaa   xaqdaro   ku   dishaye    intii   ku   dhaawacantayna   waxaan   leyahay   ishaa   alah    shifa  ul    caajil    intaa   kadib   dhalinyarada   halkaa   manta   ku   dhimatay   iyo intii   ku   dhaawacantayba    waa   qaar   ay   taariikhdu   qori   doonto    bal   dahabana   ka   galay    tariikhda   gobolada   kur    ku   xusan   wana   kuwii   ugu   horeeyay  ee   dhul  koo    degen    u   hura   dhiigooda  waxaanaan  leeyahay   mar   labaad   ilahaw   ka   dhig   intii   nabi   maxamed csw   u   shafeeca   qaaday    ka   yeel    ilaahow    samaroon   is   waafaji   sidaa   maanta   qadiyada   lama   dhaafaanka   ah   ay   midka   uga   noqdeen    oo   kale     wa   bilaahi  tawfiiq

 

INAALILAAH WA INAAA ILAYHI RAAJICUN

 Anaga oo ah dhaman ururka ardayda ADAL STUDENTS ASSOCIATION Iyo dhaman bahwaynta gadabuursi ee ku nol wadanka Pakistan , waxan tacsi u diraynaa gaar ahaan iyo guud ahaanba dhaman ehelki iyo qaraabadii iyo qoyski uu ka baxay MUJAAHID MARXUM JIMCAALE iyo WIILKI DHALINYARADA AHA ee manta ku geeriyoday borama ,waxanan ilahay u baryeynaa inuu naxaristii jano ka warabiyo, danbigoodana dhaafo , eheladoodii iyo qarabadoodina  samir iyo iibana ka siiyo , dhamantayana wu naga wada baxee ilahay samir iyo iiban hanaga wada siiyo.

 Gudomiya Ururka ( adal students association )

Ahmed Omer Shugar

 

 

UJEEDO/Tacsi Tiiraanyo leh

Ururka Horumarinta iyo Midnimada A.U.D,Gudida fulinta,Golaha dhexe iyo Dhamaan Taageerayaasha Ururka  waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan DHAMAAN SHACBIWAYNAHA REER SHEEKH SAMAROON MEELKASATA OO AY JOOGAANBA  igoo ka tacsiyadaynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timid MARXUUM SHAHIID JIMCAALE CABDI)  SHahiidka oo ku geeriyooday dhacadadii foosha xumayd ee ka dhacday Borama

Waxaana ALLAH uga baryeynaa inuu janatul fardawsa ka waraabiyo dhamaan ummada reer Awdal.Salal iyo Gabilay Samir iyo iimaann saadiqa ka siiyo,gaar ahaan QOYSASKII,EHLIYADII IYO QARAABADII uu marxuumku ka baxay

 

 

Aamiin Aamiin Aamiin

GUDOOMIYAHA URURKA
ADAL UNITY AND DEVELOPMENT (A.UD)
ABDIKADIR MOHAMED AQLI

 

Anaga oo ah dadka hoos ku qoran waxaan halkan tacsi uga diraynaa wiilka aan adeerka u nahay jimcale cabdi maxamud oo ku geriyoday mudaharadki shalay ka dhacay magalada borama.. waxan leenahay ilahay haku naxariisto adeer janada fardowsana alaha ku geeyo..,, amiin amiin.

Dhamaaan

1. Ilma abdilaahi diiriye boqore

2. Ilma cilmi diiriye boqore

3. Ilma osman diiriye boqore

4. Ilma muxumed diriye boqore

5. Ilma aye diiriye boqore

6. Ilma warsame diirye boqore

7. Ilma qaalib kamil boqore

8. Ilma huseen adan gadiid

9. Ilma maxamud adan gadiid

10. Ilma abdilahi adan gadiid

11. Ilma awfarax sigad gadiid