Gaalkacayo-(BNO) Madaxweynaha mamulka Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, ayaa maanta kulan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo kula qaatay Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Gen Cadde Muuse Xirsi.
Kulanka Cabdi Qeybdiid iyo Cadde Muuse ayaa waxa uu kadhacay waqooyiga Gaalkacyo,halkaasi oo uu kataliyo maamulka Xilkiisu gabaabsiga yahay ee faroole.

Kulanka uu maanta madaxweynaha Galmudug uu la qaatay madaxweynihii hore ee Puntaland Gen; Cadde Muuse Xirsi, masuuliyiinta Puntiland u qabishan Gobalka Mudug iyo oday dhaqameedyada ayaa waxa uu ahaa mid muhiim u ah maamulada deriska ah.

Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, safarkiisa uu Puntiland kutegay waxaa kuwehliyaymasuuliyiin ay kamid yihiin wasiirka iskaashiga iyo xiriirka Caalamiga Maxamed Cali Nuur, Taliyaha Ciidamada Boliska maamulka Galmudug iyo masuuliyiin kale.
