Caynaba-(BNO) Ugu yaraan Afar askari ayaa maanta ku dhaawacmay Rasaas ay ku fureen Qaar kamida gaadiidka Jaadka soo galiya dalku kuwaaso oo maalmahanba ka biyo diidsanaa cashuur ay ku kordhisay wasaarada Maaliyadu isla markaasina bilaabay inay si kootarabaana kusoo galiyaan qaadka dalka iyaga oo dhamaanba ka wareegay wadooyinkii ay hore uuga soo galin jireen.
Gaadiidka Jaadka qaada ayaa tan iyo in cashuurta lagu kordhiyey U wareegay inay qaadka kasoo galiyaan dalka Balligubadle iyo Caynaba, iyagoo sifo sharci darro ah isticmaalaya isla markaana xoog ku jiidhaya kaantarooda magaalayinkaasi.
Gaadiidkan ayaa maanta Kaantaroolka Caynaba ku dhaawacay Afar kamida Boliska Magaaladaasi kadib markii uu gaadhi kamida kuwa Qaadka qaadaa uu xoog ku jiidhay isaga oo rasaaseeyey ciidanka meesha ku sugnaa.
Taliyaha Kastamka Caynaba ayaa ku dhaawacmay falkaasi kadib markii sida wararku ay nagu soo gaadhayaan uu isku dayey inuu gaadhi uu watay ku baacsado gaadhiga Jaadka ee ciidamada rasaaseeyey isla markaana dhaawacay Afar askari,taliyaha ayaa markii uu in badan eryanaayey gaadhigaasi uu la qalibmay gaadhigii uu watay.
Shirkadaha qaadka ka ganacsada iyo wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa is marin waa soo kala dhex galay, iyada oo ay shirkadaha qaarkood diideen inay maraan goobihii ay lagu cashuuri jiray oo ay ka mid yihiin kastanka Kalabaydh, waxaanay shirkadahani bilaabeen inay kootarabaan ku soo galiyaan magaalooyinka dalka jaadka iyaga oo diiday cashuurta cusub ee lagu soo rogay.”
Booramaonline Desk