In Ka Badan 23 Qof Oo Ganacsato Soomaaliya Oo Lagu Xidhxidhay Magaalada Juba Ee Xarunta Koonfurta Suudaan.

Filed under: WARARKA SOMALIYA & CAALAMKA |

Juba-(BNO) Wararka ka imaanaya Magaalada Juba ee Caasimada dalka cusub ee Koofurta Sudan ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Amaanka dalkaasi ay xabsiga dhigeen ku dhawaad 23-Soomaali ah oo dalkaasi ku sugnaa.

Dadkan Soomaalida ah ee laxiray oo aan la shaacin sababaha kadanbeeyay xiritaankooda aya waxa la tilmaamayaa in 15kamid ah la siidaayay markii ay ciidamadu u sheegeen in wax danbi ah aan lagu heyn.

Qaar ka mid ah dadka Soomaalida ah ee ku sugan Magaalada Juba oo la hadlay Booramaonline.com ayaa waxa ay u sheegay in wali xabsiga ay ku harsanyihiin 8-ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo baaritaano ay ku hayaan ciidamada Koofurta Sudan.

Dadkan ayaa la qab qabtay sida la sheegay Arbacdii aynu soo dhaafanay markii ciidamada Amaanka ay hareereeyeen guri ay ku sugnaayeen qaarkood halka qaar kalana laga qabtay wadooyinka.

Dhamaan dadka la xiray oo dhalinyaro ah ayaa waxaa la sheegayaa in taasi ay keentay walwal hor leh oo ku abuurmay ganacsada Soomaalida ah ee ku dhaqan dalkaasi kuwaasi oo hada muujinaya baqdin xoog leh.

Safaarada Soomaaliya ee Juba iyo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi ayaa waxa ay dadaal xoogan ugu jiraan sidii ay ku soo deyn lahaayeen 8-ruux ee ku harsan xabasiga.

Waa markii ugu horeysay inta la ogyahay oo dad Soomaali ah oo tiradan gaaraya lagu xir xiro Magaalada Juba ee Koofurta Sudan halkaasi oo ay hada ka jirto dowlad cusub oo aan wali aduunyada la jaan qaadin.”

Booramaonline Desk