Maamul-Goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland Oo Ay Ka Taagan Tahay Jah Wareer Siyaasadeed Iyo Maamulka Deegaankaasi Ka Taliya Oo Wakhtigoodii Gabaabsi Yahay

Filed under: WARARKA SOMALIYA & CAALAMKA |

Maamul goboleedka Puntland ee Somaliya ayaa barhan dambe cagaha la galay jah wareer siyaasadeed, taasi oo ay keentay khilaaf ka taagan nidaamka hogaamineed ee maamulka wakhtigoodu gabaabsiga yahay.

Jahwareerkan siyaasadeed ee cagaha la galay maamul goboleedka Puntland ayaa waxa ay siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda deegaanadaasi u aanaynayaan maamulka deegaanadaasi ka jira ee uu hogaamiyo madaxweyne C/raxmaan Faroole oo doonaya xeelad ay ku kordhistaan muddo xileedkooda oo ay ka hadhay muddo 3 cisho ah.

Siyaasiiyintan ayaa waxa ay sheegeen in aanay aqbali doonin muddo kordhin uu samaysto C/raxmaan Faroole, isla markaana looga fadhiyo in uu shacabka u qabto doorasho ay ku soo doortaan hogaankii xilka u qaban lahaa.

Khilaafyadan siyaasadeed ee ka taagan hogaan qabashada maamul goboleedka  ayaa keenay in ay deegaanadaasi galaan jah warareen, iyada oo deegaano ka tirsan maamul goboleedkaasi ay gacanta ku dhigeen kooxda Al-shabaab.

Wararka ka imanaya deegaankaasi, ayaa sheegay inay Kooxda Al-shabaab si rasmi ah gacanta ugu dhigeen Kaantarool ku yaalla deegaanka Laag, ka dib weerar gaadmo ah oo ay Kooxda Al-shaab ku qaaday goob iyo xarun ciidan oo kantarool  ah oo ay deganaayeen  Ciidamada Puntland oo, halkaas oo la  yidhaahdo Laag, halkaas oo aan aad uga fogeyn Magaalada Boosaaso oo dhawaqa rasaasta iyo hugunkaba laga maqlayey.

Kooxda Al-shabaab ayaa kantaroolkaasi  gacan ku haynteeda la wareegay, ka dib markii ay ka muquuniyeen ciidamadii Maamulka Puntland,iyada oo aan la sheegin ilaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ay Kooxda Al-shabaab kula wareegeen Kaantaroolka Laag, iyada oo ay laba dhinacba sheegteen guulo inay ka gaadheen dagaalkaasi dhex maray.

Qabsashada Kooxda Al-shabaab ee Kaantaroolka Laag ee Duleedka Bossaaso , ayaa keenay inay Magaalada Bossaaso ee muhiimka u ah Maamulka Puntland halis u tahay inay gacanta u gasho Kooxdaasi oo ay la wareegaan, iyada oo ay dadka ku dhaqan Magaaladaasi si wayn uga war warsan yihiin dagaalkan ka dhacay duleedka magaalada oo ee ay u baxaysay dhawaqa rassaastu, taas oo sababtay inay cabsi seexan waayaan shacabka magaalada Bossaaso ku dhaqan.