Maayorka Iyo Maayor Ku Xigeenka Cusub Ee Golaha Degaanka Hargeysa Oo Maanta Xilkii Si Rasmiya Ula Wareegay+SAWIRO

Filed under: WARARKA SOMALILAND & SOMALIYA |

Hargeysa-(BNO) Munaasibad ay xilka kula Kala wareegayaan Maayarka Cusub ee Caasimada Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Saciid iyo Maayarkii hore ee Hargeysa Eng. Xuseeen Maxamuud Jaciir ayaa hada ka socda Xarunta hay’ada shaqaalahada ee Hargeysa.

Maayarkii Hore ee Caasimada Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay Munaasibadaasi ayaa sheegay inay waxbadan ka qabteen Caasimada Hargeysa intii ay xilka hayeen. waxa uu sheegay inay wax badan ka badaleen Hagaajinta Bilicda hargeysa. Waxa uu maayar Jiciir Xusay inay 58 wado ka hirgaliyeen magaalada hargeysa. waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Maayarkii ka horeeyay oo uu xusay inuu waxqabadkiisii sii Ambaqaaday islamarkaana uu wado la raaco u sii jeexay.

Maayarka Cusub ee Hargeysa Eng; Yuusuf Warsame Siciid oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay inaaan Golaha deegaanka Hargeysa oo kaliya waxba ka qaban karin horumarinta magaalada hargeysa, balse loo baahan yahay inay Dadwaynaha Reer Hargeysa wadda shaqayn la yeeshaan Golaha Cusub ee deegaanka.waxa uu xusay inay sii Ambaqaadi doonaan waxqabadkii Golihii ka horeeyay iyo maayarkii ka horeeyayba.
waxa uu sheegay Maayarka Cusub in Caasimada Hargeysa tahay meesha kaliya ee laga dheehanayo Horumarka Dalka islamarkaana aynu ka iibinayno indhaha Caalamka, sidaa darteedna loo baahan yahay in la ilaaliyo bilicda iyo Horumarinta caasimaada.

Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur oo sheegay in Maayarka hore Caasimada Hargeysa iyo masuuliyiinta la shaqaynaysay hadda ay u bilaamayso Amaanta iyo inay ahaayeen Xubno wax qabadku sifoobay, halka ay masuuliyiinta Xilka la wareegaysana Eeda iyo dhaliishu u bilaamayso. Waxa Wasiirku Maamulka hore ee Dawlada hoose ugu mahadceliyay Waxqabadka mudadii ay xilka hayeen isagoo Golaha deegaanka Cusub iyo maayarkana u Rajeeyay wax qabad iyo inay halkaasi ka sii Ambaqaadaan Hawlaha ka qabyada ah Golihii hore ee Deegaanka Hargeysa.

Waxaa kale oo ka hadlay madashaasi Dr: Adna Aadan Ismaaciil, Gudoomiye Xigeenka Kulmiye, Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa iyo Masuuliyiin kale oo dhamaantood mahadnaq u soo jeediyay Masuuliyiintii iyo golihii deegaanka hore oo ay xuseen inay wax la taabban karo ka qabteen Caasimada Hargeysa. waxa kale oo hadalo duco iyo dardaaran ah u soo jeediyeen Maayarka iyo Golaha deegaanka cusub ee Hargeysa. waxa ay u soo jeediyeen mudanayaasha cusub inay Rumeeyaan Dhaartii ay mareen islamarkaana ay si siman ugu shaqeeyaan Bulshada soo dooratay.

DSC06471

DSC06453

DSC06444

DSC06428
DSC06403
DSC06389
DSC06375
DSC06365
DSC06425
DSC06415

Booramaonline Desk

Hargeysa-Somaliland