Kuwait-(BNO) Xaflad aad loo soo agaasimey laguna Guddoonsiinayey shahaado sharaf ka soo qeybgalayaasha tababar ah barashada afka soomaaliga oo loo qabtey hablo iyo wiilal ka mid ah jaaliyada soomaaliyeed ee Kuwait soona qabanqaabiyeen Golaha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee Kuwait ayaa lagu qabtey hall-ka shirarka ee dalladda qorayaasha Kuwait (Kuwait writers Association)
Ugu horeyntii ayaa halkaa waxaa hadal kooban ka soo jeediyey Guddoomiyaha Golaha Hiddaha iyo dhaqanka Eng.Maxamed C/kariin Muqtaar kana faaloodey sababaha keenay in la qabto tababarkan taasoo ah in lagu dheerigeliyo dhalinta soo koreysa barashada afkooda hooyo sheegayna inay aad ugu farxeen sida weyn ee jaaliyadu uga soo qeybgashay waxa uuna tilmaamay arday gaareysa 60 ay ka soo qeybgaleen tababarkaasi, una mahad celiyey dhammaan intii gacan ka geysatey tababarkaasi
Dhanka kale Eng C/risaaq Cali Maxamed oo ah Macalinkii bixinaayay dadaalka lagu baranaayay Afka hooyo oo ka Hadley halkaasi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in si guul ah ku soo idlaaday tababarka mudadda yar socdey lagana gaarey hadafkii Golaha uu tiigsanaayay waxa uuna Golaha hiddaha iyo dhaqanka ugu baaqay inay halkaasi kasii wadaan dedaalada wax ku oolka ah ee loogu faa’ideynayo jaaliyada soomaalidda ee Kuwait
Guddoomiyaha Jaaliyada Kuwait Mudane Maxamuud Xaaji Ahmed (Khumeyni) oo hadal gaaban madasha ka jeediyey ayaa aad ugu nuux-nuuxsatey faa’iidada ay leedahay barashada afka hooyo la’aantiisana qofku wax ahayn waxkasta oo uu barto lamana huraan tahay, intaa ka dib ayaa hadalka waxa lagu soo dhaweeyey safiirka Jamhuuriyada Somaliya ee Kuwait Ambassador C/Qaadir Amin Sheikh safiirka ayaa ugu horeyn tilmaamay in aad ugu faraxsanyahay waxqabadka Golaha hiddaha iyo dhaqanka farxad gooni ahna u tahay in ay hablaha iyo wiilasha jaaliyada Kuwait ay afkooda hooyo barashadiisa ku dedaalayaan safaaraduna ay is garabtaageyso dhammaan xubnaha jaaliyada ee isku dayaya wax u qabadka jaaliyada, safiirka ayaa sheegay in ay taageero hiil iyo hooba la garab taagnaan doonaan cid walba oo Jaaliyada wax u qabaneysa ugu danbeyna u mahad celiyey Golaha hiddaha iyo dhaqanka kulana dardaarmey in ay sii laba jibaaraan dedaalkooda kana sugayaan wax qabad intaa ka balaaran.
Gunaanadkii xaflada ayaa shahaado sharaf la gudoonsiiyey ardaydii ka soo qeybgashay tababarka inta uu socday iyo macalinkii tababarka bixiyey sidoo kale Golaha hiddaha iyo dhaqanka ayaa shahaado sharaf Gudoonsiyey maamulaha maktabada lagu magacaabo Aljaabiriya Mudane Fahad Al-sultan , Safiirka Safaaradda C/Qadir Sheikh Amin, Qunsulka safaarada Mudane Abiib Muuse Faarax, waxa ayna Munaasabadda kusoo idlaatay Jawi degan oo ay ku riyaaqeen Gabi ahaan dadkii kasoo qeyb-galay Munaasabadii madasha ka dhacday.






