Weligeedba qaybaha dadweynaha Somaliland uma sinnayn farxadda iyo cadhada ka dhalata dhismaha dawladnimo ee is bedbedleyay ilaa maalintii gooni isu taagga lagu dhawaaqay, sidaa darteedna maalinba qayb ka mid ah dadweynaheena ayaa dhigi jiray bannaanbaxyo keena amman darro, dhimasho, dhaawac, xadhig, Somalilanddiidnimo iyo waxyaalo kale, kuwaas oo dhammaantoodna ku dhammaan jiray wadahadal iyo is afgarad.
Sidoo kale, ayaa Somaliland waxa ka dhici jiray ama ay soo arag-tayba doorashooyin qayb ka mid ah dadweynaha ka farxiya, qaarna kaga cadhaysiiya, ilaa maantana dalka waa ay ka jiraan cabashooyin iyo bannanbaxyo lagu diidanyahay natiijadii ka soo baxday doorashooyinkii labaad ee golayaasha deegaanada dalka, kuwaasoo dabkoodii weli meelo ka mid ah sii demeyo halka badina uu dambkaasi ka demay gobolada dalka.
Boorama oo ka mid ahayd meelaha ugu dambeeyey ee dabkii ka dhashay doorashooyinkii la soo dhaafay uu ka demay afar ilaa shan maalmood ka hor ayaa waxa la is weydiinayaa sida dabkaasi ku demay iyo khataraha ka dhalan gaadhay bannanbaxyadaasi iyo ergedii xukuumadda Axmed Siilaanyo u soo dirtay Boorama si loo demiyo dabka ka dhashay maamulka Golaha deegaanka degmada Saylac iyo dabkii ka dhashay maamulka degmadaasi ee sababay bannanbaxayada qiiqii ka dhashay dabkaasi qariyey guud ahaanba magaalada.
Dhinaca kale, weligeedba Somaliland masuulyintoodu kuma soo dhex dhicin meel uu dab sidan oo kale ahi ka baxayo, haddii laga maarmi waayana wakhtiyada qiiqa dabkaasi sii demeyo ayay masuulyiintaasi ama ergooyinkaasi soo geli jireen magaalada.
Markaan, dib ugu noqonno wixii Boorama ka dhacay afar ama shan maalmood ka hor waxay ahayd wax aan la malayn karin, kumaankum dhalliyaro ah oo sita dhagxaan, budhadh iyo taayirro gubanaya ayaa bannanbaxoodan, ku muujinayey dareenno beeleed, kuwo gobol ama kuwa degmo mana ahayn mid Somaliland-ta kale la qabtay, balse waxay gaar u ahayd qaybo ka mid ah dadweynaha ku nool xeebaha galbeedka iyo gobolka Awdal laguna doonayey arrin gaar ah. markaan eegno sida Ilaahay u baajiyey geeri kale, dhismasho kale, khasaare kale iyo magac xumo kale oo magaalada ka dhacda, dhibaatana ergedaasi iyo masuulyiintaasi loogu geysto magaalada ayaan barbarhdigi karaa sida loo sigay ergedii xumaadadda ka socotay ee uu horkacayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayna ka mid ahaayeen masuulyiinta ugu sarreysa qaar ka mid ah xisbiyada qaranka, golaha wasiirada, golaha guurtida, golaha wakiillada iyo ergooyin kale oo meteleyay bariga ilaa galbeedka dalka. Waxa kale oo meesha taallay cadho wejiyo badan lahayd oo dadka qaar u qabeen siyaasiyiinta wafdiga la socotay, odayaasha qaar, madaxda xisbiyada qaarkood, kuwaasoo aanay nasiib wanaag dadkaasi ka filanayn inay si dhib yar u iman karaan magaalada saacadihii dadka ugu xumaa ee magaalada qiiqu qariyey, kuwaas oo ama bannanbaxyadaasi oo ay suurtagal ahayd inay ku soo dhex dhuuntaan dad Somaliland la doonaya magac xumo iyo ammaan darro.
qaar ka mid ah dadkaasi ayaa iyagu aamnisanaa arrimo ay ka mid tahay in ergada ku soo fool lihi tahay mid ka dhan ah dareenkooda, una heelanaa inay dagaal kala hor tagaan, halka kuwa kalena arrintaa tu la mid ah ku sifaynayeen ergeda inay tahay beel beelo kale uga hiilinaysa, kuna talogalay inay kala hortegaan dagaal af iyo addinba leh, sidaas oo ay tahay ayaan ergedu waxba iska saarin khataraha hor yaalla. Tan iyo markii bannanbaxyo noocan oo kale ah lagala hor yimi marxuum Cigaal iyo Rayaale oo ku xigeen u ahaa ayaa safaradda madaxda qaranku ku imanayeen Boorama sida nidaamka dawladeed yahayba laga horreysiin jiray qolyaha dharcadda, nabadsugid ,iyo shaqaale kale oo ka socda xafiisyada wufuudda si loo sugo amnigooda iyo martiqaadkoodaba.
Waxa la is weydiinayaa bal in ergeda xukuumaddu ka warqabtay waxa Boorama ka dhacaya wakhtigii ay ka soo baxayeen Hargeysa iyo inaysan ka warqabin? ma ku talogaleen in gaadiidka dagaalka lagu difaaco huteelka eregdu kusoo degtay? ma ku talogashay xukuumaddu bixinta magaha ergeda iyo masuulyiinta dawladda iyo shicibka haddii aan Ilaahay qorraxda uga ridin waxa dhacayay, maxaase la hadal hayn lahaa hadii ergeda iyo masuulyiintuba ku dhacaan gacanta bannanbaxayaasha ama la aqoonsado masuulyiinta qaarkood? lamana odhan karo xukuumaddu malaha sirdoon iyo ciidan kale oo ergeda uga diga xaaladda taaganayd, kulana talin lahayd inay safarkooda dib u dhigaan inta biyuhu kala fadhiisanayaan, waxaan odhan karaa in khatarahaasi ahaayeen kuwa loola badheedhay wafdiga iyo ergeda balse Ilaahay ka badbaadiyey in Boorama lagu waxyeeleeyo masuulyiin iyo ergo Somaliland ka socotaba?.
maxaa dhici lahaa hadii Ilaalada ergedu aanay dib u waabin bannanbaxayaasha burburiyey gaadiidkooda, maxaase dhici lahaa hadii aanay qorraxdu u kala dhicin ciidanka rasaastu kaga dhamaatay toogashada shicib kugu soo qamaamaya? jawaabtu waxay u ekaan lahayd, jawiga magaaladana ka muuqatay ,muuqaal u eg kii ciidamadii Maraykanka ee Muqdisho lagu laayey 1993-kii, waxaas oo dhamina waxay ku imanayaan dayaca wafdiga iyo ergedaba loo bandhigay bannanbaxyo khatar ku ah amnigooda,naftooda iyo Somalilandba.
waxaanay ahayd in dib loo eego waxa dhacay sidii lagaga badbaaday iyo sidii looga gaashaaman lahaa inaanay dib u dhicin ergo khatar la geliyo. waxa kale oo ay ahayd in la baadho ciddii masuulka ka ahayd in sidaasi wax u dhacaan,lagulana xisaabtamo sharciga dalka ,hadii kale waxa la hadalhayn doonaa maalin kale oo aan maanta ahayn ,iyo sheekada ah ‘shalay daaqdoo shar malaha “
Faallo: Maxamed Cumar Sheekh,.
Boorama/Awdal/somaliland