Hargeysa-(BNO) Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa heshiis ay la gashay shirkadihii diidanaa bixinta nidaamka cusub ee cashuurta jaadka ku soo af jartay khilaafkii ka taagnaa nidaamka ay cashuurta u bixinayaan shirkadaha Jaadku.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale ayaa mar uu maanta warbaahinta kula hadlayey Magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in la soo afjaray khilaafkii ka taagnaa cashuurta Jaadka.
Wasaaradda Maaliyadda Somaliland iyo shirkadihii diidanaa bixinta cashuurta ka dib wax ka bedel lagu sameeyey nidaamkii ay markii hore cashuurta u bixin jireen ayaa heshiiskan lagu gaadhay in ay Jaadlayaashu bixiyaan cashuurta ku waajibtay ee wax ka bedelka lagu sameeyey, halka Wasaaradda Maaliyadduna ka ogolaatay inay bixiso khasaarihii ka dhashay Lix Baabuur oo Jaad saarnaa gubtay kadib markii ay diideen cashuurta lagu kordhiyay inay bixiyaan.
Shirkadaha Jaadka qaada ayaa ka biyo diidanaa wax ka bedel lagu sameeyey nidaamkii wakhtigii hore wax lagaga qaadi jiray oo ahayd in wakhtigii hore laga dhimi jiray wax loo yaqaano xashiishka jaadka oo imika lagu soo rogay inay bixiyaan cashuur dhan 90% iyo sarifka $1 (Hal Dollar) oo lagu sarifi jiray 4,000 SL.SH (Afar kun oo shilin) lagu daray 5,00 SL.SH (Shan boqol oo shilinka Somaliland ah).”
Booramaonline Desk
Hargeysa-Somaliland