Afhayeenka Al-shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa waxa uu daaha karogay in kooxdoodu ay markaan u soo jeesatay oo ay xoogga saartay in ay meesha ka saaraan Maamulka Puntiland.
“Calankeenna laga siibay gobalada koofurta Soomaaliya waxaa laga taagayaa goobaha uu kataliyo Murtadka Faroole oo ku cel celiya sharciga ayaa ii ogol, Sharciga Islaamka Sharci aan aheyn jirimaayo”, Afhayeenka Al-shabaab ayaa ku waramay sidaa.
Cali Dheere ayaa intaa raaciyay in waayahaan ay kawadeen deegaanno kamid ah Puntiland dagaalo ay guula kagaareen oo ay bilaaw u ahaa xidida usiibidda Waxa uu ugu yeeray maamul daba dhilif u ah mareykanka iyo Xabashida oo uu Ethiopia kawado.
Hadaka Afhayeenka Al-shabaab ayaa imaanaya xilli Duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ay kabilaawdeen weerarro Shabaabku ay sheegteen oo si dar dar leh ku bilaawday.
Al-shabaab ayaa waayihii danbe waxa ay saldhigyadii ugu waaweynaa kaameysanayeen Buuraleyda Galgala oo kamid ah goobaha Puntiland ay ka arimiso.
Booramaonline Desk