Halkan Ka Daawo Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Been Laga Sheegay Iskana Difaacaya In Uu La Kulmay Ama Is Arkeen Haweenay Reer Somaliland Oo Haatan Ah Soomaaliweyn..

Filed under: VIDEOS,WARARKA SOMALILAND & SOMALIYA |

Hargeysa-(BNO) Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac “Xoogg” oo ah mudane ka tirsan golaha wakiiladda ee Somaliland, ayaa maanta mar uu shir-jaraa’id warbaahinta u qabtay, si adag u beeniyey war maanta lagu daabacay mid kamida wargeysyadda ka soo baxa magaaladda Hargeysa oo sheegay in xildhibaanku cilaaqaad hoose uu la leeyahay xukuumadda federaalka ah ee Somaliya, isla markaana ay caddeynayso Madaarka Berbera oo uu kula kulmay wasiirka arimaha dibedda ee Somaliya Marwo Fawsiya Yuusuf X. Aadan oo halkaasi ay la fadhiisatay diyaarad Muqdisho u waday.

Waxaana xildhibaanku uu sheegay in warkaa uu daabacay wargeysku ay xukuumaddu danno gaara ka lahayd. War-saxaadeedka Xilddibaanka halkan hoose ka daawo: