Fadlan U Soo Gargaar Bukaankan Xanuunkiisa Waxba Lagaga Qaban Kari Waayay Dalka Gudihiisa Ee Ku Dhibaataysan Boorama+SAWIRO+VIDEO

Filed under: VIDEOS,WARARKA SOMALILAND & SOMALIYA |

 

Boorama-(BNO) Barre Xasan Waa oday ku xanuunsanaya gudaha magaalada Boorama kana soo jeeda qoys danyara ah , Barre waa bukaan waayeel ah lana tacaalaya xanuun jidhkiisa oo dhan ku dhacay meel u fayoobina ayna jirin dhakhtaatiirta kala duwan ee ka hawlgala Somaliland gaar ahaan Gobolka Awdal waxa ay ku taliyeen in xanuunka Haya Barre aan dalka gudihiisa waxba lagaga qaban karin loona baahanayahay in dalka dibadiisa ama wadamada jaarka ah la geeyo.

Hadaba ururka Tawfiiq waxa uu umadda Muslimka iyo Soomaalidaba ka codsanayaa in walaalkaas xanuunsanaya la soo taakuuleeyo aduun iyo aakhirba waad liimaanaysaan isagana alle caafimaad degdega ha siiyo.

Wixii faahfaahin dheeraada kala soo xidhiidh addresyada ku qoran Youtubka ama Mahdi Aadam Riiraash oo ka mid ah xubnaha Ururkan TAWFIIQ +2522+4452028 WAADMAHADSANTIHIIN.

 

Reporter:Mawliid Maxamed Muxumad -(Mawliid Hanad)

Boorama-Office-Somaliland