Hargeysa-(BNO) Magalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa waxa si weyn looga xusay dhalashada Nebigeenii Suubanaa oo maanta ku beegnayd.
Munaasibad balaadhan oo maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Madaxwayne ku xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin, Guddoomiyaha golaha Wakiilada, masuuliyiin iyo dad kale oo badan.
Xuskan oo ahaa kii ugu weynaa ee masuuliyiin xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladdu ka qayb-galaan waxa lagu soo bandhigay siirada Nabigeenii Suubanaa (CS), iyadda oo halkaasi ay hadalo ka soo jeediyeen masuuliyiin bada.
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Maanta waa maalin farxad u ah shucuubta Islaamka iyo guud ahaan Somaliland, waa xuskii dhalashada nabigeena Suubanaa (CS), waxaan hambalyo u dirayaa shucuubta Islaamka meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan reer Somaliland oo xusaya dhalashadiisa, iyagga oo raacaya afcaashiisii suubanayd, mar walbana afka ku haynaya xuskiisa iyo digriga”
Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Muxaba nebigu waa diini, koobkan oo dhana waxa laga abuuray nuurka Nebiga, markaa jacaylka nebigu waa inay qof walba degto qalbigiisa”
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ismaaciil (Cirro), waxaanu shucuubta ku hambalyeyay xuska dhalashada nabigeena Muxamed.
Xafladan ayaa qabsoomideeda waxa door weyn ka qaatay sanad walbana soo qabanqaabiya xubno uu ka mid yahay Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mid ah golaha Wakiiladda Somaliland, kaas oo wacdi iyo jacaylka Rasuulka in la qabatimo sida loogu baahan yahay ka soo jeediyey halkaasi, sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka soo jeediyey siiradii nabiga Wasiirkii hore Diinta iyo Aw qaafta Sheekh Maxamuud Suufi iyo culimo kale oo badan.
Dhanka kale, maqaamyada Magaalada Hargeysa, sida Maqaamka Sheekh Madar ayaa waxa isugu tagay dadweyn tiro badan, iyadda oo lagu qalay xoolo badan.