Saddexda Xisbi Qaran Ee Haatan Taagan Masraxa Siyaasada Somaliland Ayaa Shacab Weynaha Ku Dhaqan Somaliland Ay Dareeno Kala Duwan Ka Bixinayeen Mudooyinkii Ugu Danbeeyay,
In Badan Oo Kamida Dadka Siyaasada Indha Indheeyaana Waxay Ku Sifeeyeen Saddexda Xisbi Qaran Siyaabo Kala Gedisan Kulmiye Oo Ah Isagu Xisbiga Hatan Hogaamiya Somaliland Xaakimka Ah, Ucid Oo Ahaa Xisbi Mucaarida Oo Muddo Dheer Soo Jiray, Iyo Waddanin Oo Ah Xisbi Ku Cusub Siyaasada Oo Hatan Uu Soo Dhashay,
Hadaynu Eegno Ugu Horayn ama aynu Soo qaadano Xisbiga Waddani Waxaa Jiray Dareeno Fara Badan Oo shaki leh Laguna Dhaliili Jiray Hogaankiisa Iyo Qaab dhismeedkiisuba Inuu Yahay Mid U Janjeedha Dhinaca Xukuuma Oo Gacan Saar La leh, Balse ay Taa waaxba Kama Jiraan Ku Tilmaameen Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Iyagoo Cadeeyay Inay Yihiin Mucaarid,
Iyagoo Xisbiga Waddani Ismuujiyay inay yihiin Mucarad Taana Cadayn Uga dhigtay La midawga iyo Xulafaysiga ay La yeesheen Gudoomiyaha Ururkii Hadhay Ee Ummada Dr Maxamed Cabdi Gaboose Oo Lagu Tilmaamo Inuuka mid yahay Dadyawgu Ugu Adag Ee Kasoo Horjeeda Isla markaana Dhaliila Xukuumada Haatan Talada Haysa ee Madaxweyne Siilaanyo,
Waxaana Imika Soo yaranaysa Aragtidii Laga Qabay Xisbiga Waddani Iyo Shakigii Ku aadanaa Inuu Gacan Saar La leeyahay Xukuunada Talada Dalka Haysa,
Isku Biiritaanaka Ururka Ummada iyo Xisbiga Waddani Amaba Dr Gaboose iyo Cirro ayaa Waxay U muuqataa Waddani Inuu Doonaayo Inuu Ka Barto Habka Mucaaradada Gudoomiye Gaboose ama uu Ku Qanciyo Shacabka Inuu Yahay Mucaarid iyagoo Taa Awgeed Miiska U soo Saaray Dr Maxamed Cabdi Gaboose,
Ilaa iyo Markii ay Soo Baxeen Hadalada Sheegaayay Inuu Waddani La heshiinaayo Gudoomiyaha Ururka Ummada Dr Gaboose, Waxaa Naxdin Iyo Walaac Ku soo kordhay Xisbiga haatan Talada Hayee Kulmiye,
Maadama Uu Waddani Mar Kale Ku Soo Nooleeyay Dr Gaboose Oo Ahaa Nin Ay Mar Hore Isdhaafiyeen Ama Ay Ka Takhaluseen Reer Kulmiye Iyagoo Fartana Dhexda Ka Qaniinay Oo Lagana Yaabo Waddanigii Ay Hoosta ku Wateen Mar Hore Inay Ka Qooma-Maynayaan Arintaa,
Hadaba Hadii ay Kulmiye iyo Waddani Soo Kala Soocmayaan Oo Uu Xisbiga Waddani Kasii Baxaayo Gacantii Lagu Tuhunsanaa Ee Kulmiye,
Waxaa Uu Noqon Karaa Xisbiga Waddani Mid Hanta Taageerada Shacabka Somaliland Maadama ay Isugu Yimaadeen Siyaasiyiin La Miidhay Oo Miisaan Culus U leh Dhinac kastaba,
Geesta Kale Hadii ay Eegno Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Oo Isagana Lagu Tilmaamo (Wax ma tare Oo Meesha Kama Tage) Sida Uu Qaabkiisu U Muuqdo Hadii aan Wax weyn Laga Bedelin Oo Aan Lagu So Biirin Dad Cusub Oo Qiime Ku leh Bulshada Somaliland Gudaheeda,
Waxaa Uu taagnaan Doonaan Booskii Looga Bartay isagoo aan Marna Higsan Doonin Kuna Dhawaan Doonin Qabashada Talada Dalka,
Hogaamiyaha Xisbiga Ucid Ee Mucaaridka ah Eng Faysal Cali Waraabe ayaan Ahayn isagu Mid Ku hamiya ama aan Looga Baranin Dhisida iyo Xoojinta Xisbigiisa Inuu Qabto Talada Dalka,
Balse Waa nin Looga Bartay Inuu Eegto Oo Kaliya Qalfoofka Xisbiga Ucid Ama Uu Ku Ekaado Mucaaradnimo Oo Kaliya, Habacsanida Kamuuqata Xisbiga Ucidna Waa mid aanu Meela Ku gaadhidoonin Tartamada Soo socda Waxaanu Isku Qanciyay Keliya Mucaarad nimadiisa,
Si kastaba ha ahaatee Saddexda Xisbi Qaran Ee Kulmiye, Ucid, iyo Waddanin ayaa ah Kuwo Taageero Xoogan Ka haysta Shacbiyada Ku Dhaqan Somaliland Laakiin Hadba Waxay Ku Kala Horayn Doonaan ama ay Ku kala awood Roonaan Doonan Hadba Talaabooyinka Ay Qaadaan Siyaasiyiinta Hogaamisa iyo Sida ay Ummada Runta Ugu Sheegaan ama ay ugu Baaqaan Dariiqa Dhabta ah Ee Horumarka Cadaalada.
FAALO W/Q.
Mawliid Maxamed Siciid (Marshall)