Faaqidaada Caafimaadka Booramaonline Dhimashada Iyo Khataraha Caafimaad Ee Haweenka Sigaarka Cabba Oo Kor Maray Ragga Sigaaryo Cabka Ah

Filed under: WARARKA SOMALIYA & CAALAMKA |

 

War-bixin caafimaad oo maanta lagu daabacay Wargeyska ka faalooda arimaha caafimaadka adduunka ee Journal of Medicine, ayaa daaha ka rogtay inay aad u kordhayso dhimashada haweenka caadaysta cabitaalka Sigaarka.

War-bixintan ayaa sheegtay inay soo siyaasadayso ama kordhayso khatarta caafimaad ee cabitaanka sigaarku u leeyahay haweenka, waxayna war-bixintu sheegtay in haweenka cabaa sigaarku khatarta uga dhow yihiin ragga sigaaryo cabka ah.

War-bixintu waxay tilmaantay in haweenka sigaarka cabaa u dhow yihiin inay u dhintaan kansarka ku dhaca sambabada marka ay sanado qabatimaan cabitaanka sigaarka, iyadoo daraasadan oo ay samaysay (epidemiology and surveillance research at the American Cancer Society) sheegtay in haweenku sanad-ba sanadka ka dambeeya sii kordhiyaan cabitaanka sigaarka, taasi oo khatarta sii badisa.

Daraasada oo isbarbardhig ku samaysay khatarta sigaarka ah ee haweenka iyo ragga, ayaa sheegtay in raggu ka khatar yar yihiin haweenka, taasi oo daraasadu ku sababaysay in raggu ay uga adkaysi badan yihiin dumarka khatarta laga dhaxlo cabitaanka sigaarka.

Daraasada ayaa sheegtay in ragga u dhintay xanuunada ka dhasha cabitaanka sigaarku dhan tahay 2.8, halka dumarkuna yihiin 2.78.

Ku xigeenka madaxa guddida daraasadan samaysay Michael Thun, ayaa Telefiishanka CBS News u sheegay, in dhimashadani ku imanayso difaaca jidhka oo sigaarku dilayo.

Death Risk for Female Smokers is Increasing