Kooxda Falaagada Nabadiidka Ee Khaatumo Oo Khilaaf Ba’an Oo Dhinaca Maamulka Ahi Soo Dhex Galay Iyo Ninkii Badali Lahaa Hogaamiye Indho-Sheel Oo La Sheegayo In Uu Hungiri U Doontay Muqdisho..

Filed under: WARARKA SOMALILAND & SOMALIYA |

Buuhoodle-(BNO) Kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo la baxday ayaa waxa soo kala dhex galay khilaaf adag oo la xidhiidha dhanka waxa ay ugu yeedhaan maamulkooda, waxaana xilkii lixda bilood ku sinaa ka dhamaaday Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho-sheel).

Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho-sheel) oo ku Magacaaban Madaxwayn ku xigeenka Labaad ee Khaatumo ayaa doraad uu kaga ekaa wakhtigii loo cayimay inuu ku Magacownaado Madaxwayne, balse waxa uu ku dhawaaqay inuu yahay Madaxwayne ku sime ah “Madaxwaynaha labaad aniga ayuu ahaa xiligii aan wareejin lahaa shalaybuu ku ekaa, Madaxwaynaha ku xigaa waa Cabdinuur Cabdi Qaaje, hawl ayuu Muqdisho ugu Maqan yahay ilaa inta uu ka imanayana anigaa ku sime ahaanaya”ayuu yidhi.

Inkasta oo uu carabka ka dhowray inuu sheego dhab ahaan waxa uu ninkii badali lahaa Muqdisho ugu maqan yahay, haddana warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf huursan, iyadda oo la tilmaamay in Mr Qaaje oo badali lahaa uu Muqdisho u joogo sidii dawladda Somaliya loo dhisay xil looga Magacaabo, iyadda oo la tilmaamay inuu olole ugu jiro sidii looga dhigi lahaa Wasiiru-dawlaha arimaha maamul goboleedyada Somaliya.

Ninkan ayaa tan iyo markii lagu Magacaabay Madaxwaynaha lixda bilood ee u dambeeyay kooxda Khaatumo la baxday uu ku sugnaa Muqdisho.

 Booramaonline Desk