Boorama-(BNO) Xuska dhalashada Nabiigeena Suuban NNKH Ayaa shalay iyo xalay siyaabo kala duwan looga xusay Xarunta gobolka Awdal ee Boorama iyada oo ay jireen kala duwanaansho dhinaca mabda’a sida loo xusay Mawliidka Nabigeenka Suuban NNKH.
Marka aan hadaba yara jaleecno kooxda Ahlusuna Wal-jamaacadda Boorma ayaa munaasabado kala duwan xalay iyo shalayba ku dhigay goobo iyo maqaamyo ay iyagu leeyihiin kuwaas oo taageerayaashooduna si wayn oo mug leh uga soo qaybgaleen una dhigteen sidii waayo waayo loo dhigi jiray, waxaana intaas dheerayd shalay oo ay munaasabad wayn ku qabsadeen khayriyada Boorama halkaas oo ay ka soo jeediyeen qasiidooyin iyo wacdi diiniya.
Dhanka kale waxaa xalay munaasabad balaadhan lagu qabtay Masjid jaamaca magaalada Boorama halkaas oo ay culumada qaybteedii kale ku soo bandhigeen siiradii nabigeena Suuban NNKH taas oo ay ka soo qaybgaleen dadwayne aad u badan.
Si kastaba ha ahaatee sanadwalba waxaa siyaabo kala duwan loo xusa dhalashada Nabigeena Suuban Ee Muxumad NNKH Taas oo ayna jirin wax sidaas u wayn oo khilaafaada oo inta badan waqtigan oo kale ka dhaca munaasabadahan, waxaase laga midaysan yahay qabashada xuskan oo kale sanadwalba xiligan oo kale.”
Reporter: Liibaan Maxamed Axmed (Liibaan Liimo)
Boorama-Office-Somaliland