Ciidamo Bilays iyo Milateri ah oo Rasaas iyo Kimiko ku Gubay Guri dhan iyo Hantidii dhex-taalay,Qoyskii ku noolaana Qaar ku dhaawacay Badhna Xabsiga dhigay

Filed under: WARARKA SOMALILAND & SOMALIYA |

Hargeysa-(BNO) Ciidamo sida la sheegay Bilays iyo Milateri isugu jira ayaa laba maalmood ka hor  galalafay Qoys degen Deegaanka Maygaagaha oo ku yaala meel  Hiladii 14 KM dhinaca Koonfur bari kaga began Caasimada Hargeysa, kaasoo ay Ciidanku Rasaas nool-nool iyo suntan dadka kaga Ilmaysiisa ku Ololiyeen Gurigii ay ku noolaayeen iyadoo ay dadkii ku hoos jiraan.

Qoyskan oo ka kooban toban Caruura, Hooyadood iyo Aabahood, ayaa gabi-ahaanba Ciidanku gubeen Gurigii ay ku noolaayeen oo ahaa Aqal Somali, kaasoo ay ku dhex gubatay hanta wixii  u dhextaalay oo aanay shay kala bixin,  sida Maacuuntii Cuntada, agabkii Hurdada, Raashinkii Qaydhnaa, Hugii ay xidhanayeen iyo Hanti kale oo badan oo ay ka mid yihiin Lacag iyo agab kale.

Waxa sidoo kale dabkaasi Dhaawacyo ka soo gaadheen sida la sheegay Odaygii Qoyska ka masuulka ahaa oo isagoo dhaawac ah Xabsiga loo taxaabay iyo Askari ay Ciidamada Bilaysku sheegeen inuu dhaawacay Odayga la xidhay.

Hooyo Nuura Cabdilaahi Aw-yuusuf oo ah Hooyada Qoyska oo Wariyayaal ka socda Wargeyska Waaheen iyo Telefishanka Bulsho deegaanka ay degenyihiin kula kulmeen ayaa sheegtay inay Maalmo ka hor Subax iyagoo Gurigooda iska jooga sideed Gaadhi oo Ciidan ahi Is-weer ka qabteen ka dibna ku amreen inaanay Guriga ka bixin ee lagu Gubayo “lixdii Subaxnimo ayuunbaa sideed gaadhi oo Ciidan ahi nagu waabaristeen, dabadeed waxay nagu yidhaahdeen isdhiiba, markii aanu ku nidhi maxad noo sheegaynaysaana waxay nagu yidhaahdeen halkaasaanu idinku gubaynaa, ka dib waxay ooda nagaga qaadeen Rasaas iyo suntii wax gubaysay oo meel walba nagaga fureen, adigu markaa Ilaahay waxba naguma yeelin aniga iyo Caruurtii, laakiinse wixii Guriga dhex-yaalay shay kama baxsan Odaygii Reerkana inta meesha Ololaysa lagala dhexbaxay ayay kaxaysteen”ayay tidhi.

Hooyadan ayaa iyadoo ka sii waramaysa sida wax u soo gaadheen sheegtay “ markaa horta wixii naluugu talo galay namay soo gaadhin, laakiinse hanti wixii aanu haysanay haday Cuno tahay, haday weel tahay, haday Hoy tahay, haday Hurdo tahay iyo hadii guriga wixii yaalay oo dhan tahay waxba kamay baxsan, Maryahana waxa noo keenay dadka Jaarka oo noo soo Gurmaday”ayay.

Mar la waydiiyay sababta dhalisay ama ka dambeysa Hawl-galka lagu Hujuumay waxay tidhi “wax allaale waxaanu Godob galnay garan maayo, hadiise laga tegi waayo Reer deegaanka ah ayaa laba caruur ahi iskakaaya dileen oo nabaro soo kala gaadheen, dabadeed reerkii waanu heshiinay intaa waxaan ahayn oo jira ma garanayno”ayay tidhi.

Taliyaha Saldhiga Maxamed Mooge oo Ciidanka hawl-galka fuliyay laga amray Mawliid Carrab-low oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino falkan ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo  dhacdadan, laakiinse mar aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay, waxa uu sheegay in dhacdadaasi Dhibaato ka soo gaadhay Ciidankooda.

Geesta kale Saraakiil ka tirsan Bilayska ayaa Waaheen u xaqiijiyay in Ninka Qoyskaasi masuulka ka ahaa markii ay Ciidamadu Gurigiisa is-weerka ka qabteen uu isku dayay inuu is difaaco, ka dibna halkaasi ku dhaawacay Askari ka mid ahaa Ciidankii halkaasi ugu tegay.

Goobta Guriga Reerka Ciidamadu weerareen ku yaalay ayaa waxa wadhnaa shalay Rasaas fara badan iyo Xidhmooyin Qashinka Sunta Dadka kaga Ilmaysiisa ah, taasoo Caruurta iyo Hooyada aanu halkaasi kula kulanay noo sheegeen inay gubista Guriga loo isticmaalay.

Sidoo kale Rasaas aan wali la isticmaalin oo Qubacyadeedii wadata ayaa laga soo Uruuriyay agagaarka Guriga, taasoo dadka halkaasi joogay tilmaameen inay Ciidanka ka daadatay.

Oday Cabdilaahi Siciid oo Odayaasha deegaanka ka mid ah ayaa dhacdadan ku tilmaamay Waxshinimo ah oo loola badheedhay Caruur iyo Maati aan waxba galabsan “waxan Dawladu isku raacsana ee dadbaa fuliyay waxay ku kaxeen wax aynu aragnay maaha ee waa Fool xumo weyn, markaa dawlada waxaanu leenahay deg-deg wax halooga qabto.

Odaygii Qoyska ka masuulka ahaa oo Magaciisa lagu sheegay Shabcaan Axmed ayaa la sheegay inuu Xabsiga ku xidhanyahay, sidoo kale Askariga goobtaasi ku dhaawacmay ayaa Saraakiisha Bilaysku sheegeen inuu Cisbitaalka Guud ee Hargeysa yaalo.”

Booramaonline Desk

Hargeysa-Somaliland-Whn