Daawo Sawirada La Yaabka Leh Guri weyn oo dhameestiran oo la shaaciyay in lagu iibinayo lacag Dhan Hal Euro

Filed under: WARARKA SOMALIYA & CAALAMKA |

Guri ku yaaala wadanka Faransiiska ayaa lagu iibinayaa lacag gaarayso ilaaa 1 hal euro oo kaliya ,Sida lagu qoray bogga planet.fr .

Gurigan waxa uu ka koobanyahay ilaaa 4 qol iyadoo guriga inta uu ku fadhiyo lagu sheegay 350 square.

Gurigan wuxuu ku yalaaa gobalka Rhône-Alpes qaasatan degmada Arbresle .
Sababta keentay in qiimaha intaas la eg lagu iibiyo guriga ayaa ah in milkiilaha gurikan uu in mudo ah ku jiray cabsi iyo welwel taa oo ugu dambeyntii keentay in uu go’aansado in gurigaasi uu iska iibiyo.
.Boggan planet ayaa warkeedan ku soo qaadatay qodabada keentay in la iibiyo gurikan sida iyadoo waqtiyada qaar haba u badnaatee habeenkii qaylo ka imaanaysay dhanka daaqadaha,codad,gunuunac,dhawaaq, iyo waliba dhaqdhaqaaq aan la ogayn waxa uu yahay.

Ebay oo ahayd mesha lagu iibinayay guriga ayaa waxay ciwaan uga dhigtay “ha umaleenina kaftan waa iib Gurigan”!.

gurikaan ayaa la dhisay 1950 waliba guriga ayaa ah mid is heesta aan haba yaraatee u bahneen wax dayactir ah.

Ugu danbeen Ebay ayaa hawada ka saartay beeca guriga ka dib markii la iibsaday.

xigasho: http://www.planet.fr/insolite-une-maison-hantee-aux-encheres-sur-ebay.296228.1470.html

Mustaf Cabdi Faarax (Mustaf Carab)
Mustafcarab22@hotmail.com
Sweden Karlstad