Wararkii Iyo Xaaladihii Ugu Danbeeyay Saylac Iyo Wasiiradii Ku Maqnaa Magaalada Jabuuti Oo Ay Maanta Kaga Egtahay In Ay Soo Saaraan…

Filed under: WARARKA SOMALILAND & SOMALIYA |

Saylac-(BNO) Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaadhay magaalada Saylac ayaa waxa ay sheegayaan in xaalku yahay mid degan tan iyo intii ay wasiirada Somaliland u jarmaadeen magaalada Jabuuti taas oo ay maanta ku egtahay dhawrkii cisho ee lagu balansanaa ee wasiirada Somaliland go’aan kama danbays ah ka soo saaraan xalinta khilaafkii ka dhashay doorashada Maayorka Cusub Mujaahid Xuseen Iidle.

Sida aan la wada socono hawluhu waa kuwo wali cakiran wax hawl ah oo wali si toos ah uga socotaana ma jirto xafiiska maamulka dawlada hoose Ee Saylac iyada oo laga dhursugayo go’aanka ka soo laaban doona waftiga Somaliland ee ku maqan Jabuuti waxa ay halkaas kala yimaadaan.

Dhinaca gudaha Djibouti ma jiraan wax ka waramaya xaalku halka uu marayo, balse wararku waxa ay sheegayaan in Wasiirada reer Somaliland ay geed iyo guri walba u garaaceen inay cid xidhe u noqota oo ka qabsata Somaliland kooxaha rabshada wada ay u heli lahaayeen, waxaanay wararku intan ku darayaan in ay cid walba oo ay la kulmeen ku qanciyeen inay waajib tahay in loo hogaansamo go?aanka doorashada ka soo baxay iyo maamulka ka dhashay Degmada Saylac.

Wasiiradan ayaa warka ay ka keeni doonaan Djibouti uu yahay mid si wayn loo sugayo, meeshana kama madhna in wafdiga ay la socdaan rag u janjeedha dhinaca kooxaha rabshada wada oo uu ka mid yahay Wasiir Abiib-timo Cad Iyo Mujaahil Muuse Biixi oo kaga sii horeeyay Jabuuti ay la iman karaan arimo aanan dastuurka iyo qaranka Somaliland waafaqsanayn sida ay tilmaamayaan inta badan dadka reer Awdal oo Wasiirka u arka nin kala fogeynaya isku soo dhawaanshiyaha iyo waan-waanta socota.

Si kastaba ha ahaatee hadii tani ay dhacdo ayaa jawaabta ay xildhibaanada Aqlabiyada ah iyo maamulka ka curtay Saylac oo taageero ka helaya dadkiisu ka bixin doonaan mid aad u adag oo aan leex-leexad lahayn oo lagu difaacayo Qaranimada, Nabadda Iyo Midnimada Somaliland.”

Booramaonline Desk

Saylac