Kooxda Al-shabaab oo shalay waayay bartoodii Twitterka ay ku lahaaayeen ee ay wax kubaahi jireen, gaar ahaan qeybta afka Ingiriiska ayaa waxa ay canbaareeyeen qarxinta lagu sameeyay bogooda ay aduunyada wax ku gaarsiin jireen.
Al-shabaab ayaa waxa ay sheegeen in hawa ka saarida lagu sameeyay bogooda ay qeyb katahay dagaalka ka dhanka ah kooxdooda ee reer galbeedku ay gadaal ka riixayaan.
Kooxda Al-shabaab oo waayahaan si dar dar leh u soo dhigayay warar sawirro muqaalo iyo wax kasta oo ay aduunyada ka gadayaan boga Twitterka ee afka Ingiriiska ay wax kula baahi jireen ayaa shalay mar qur ah bartoodii hawada laga saaray, arintaasi oo waji gabax ku noqotay, maadaama laga go’doomiyay dhanka warbaahinta.
Xayirida bogaan oo waayahaan cadaadis ay ku saarayen reer galbeedka, gaar ahaan faransiiska oo fajaciso ay ku noqotay meydka askartooda ee lasoo dhigay, shirkadda Twitterka ayaa lafilayaa in uu saldhig u noqday qufulka weyn ee lasaaray bogii Shabaabku ku gorgortami jireen.
Bogga Twitter-ka ee afka carabiga ayaa wali shaqeynaya inkasta oo qeybta laxiray ay aheyn xaruntooda ugu weyn ee xagga baahinta afkaartooda ah, waxaana canbaareyna ay ku sameeyeen noqoneysaa mid muujineysa in uu il muhiim ah u ahaa jiritaankiisu.