Boorama-(BNO) Suldaanka Dhalinyarada Somaliland Suldaan C/raxmaan Axmed Sh/Muxumad ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boorama, shirkiisan Jaraa’id ayaa waxa uu kaga hadlay arimo badan oo ay ka mid tahay ilaalinta Nabadda iyo wadajirka Dhalinyarada Somaliland.
Suldaanka ayaa sidoo kale waxa uu si aad ah ugu dheeraaday siyaasada guud ee Soomaaliya Iyo Somaliland isaga oo sheegay in qaranimada iyo midnimada Somaliland ay tahay mid lama taabtaana waa hadii la helo mid ay ku wada qancaan Beelaha darifyada Somaliland ee ku qatan siyaasada Somaliland.
Suldaanka ayaa waxaa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in laga wada qaybqaato xoojinta iyo adkaynta nabadda Somaliland waxa uuna Madaxwaynaha Somaliland ka codsaday in uu ilaaliyo shaqooyina u abuuro da’yarta ka tahriibaya wadankooda ee ku dhimanaya Saxaraha iyo baddaha Waawayn ee caalamka niyad jab ay ka qaadeen sida uu xaalku yahay guud ahaan Somaliland ee dhinaca dhaqaalaha ah.
Gabogabadii Suldaanka ayaa waxa uu u tahnideeyay guud ahaan xildhibaanada da’yarta ah ee golayaasha degaanada Somaliland ka soo baxay ugu hanbeelyay xilkaas ay qaadeen waxa uuna kula taliyay in ay u shaqeeyaan bulshadooda dhinacyada arimaha Bulshada.
Si kastaba ha ahaatee Suldaan C/raxmaan ayaana mudooyinkii u danbeeyay ka soo muuqan shaashadaha warbaahinta tan iyo intii doorashooyinka Golayaasha degaanadu ay qabsoomeen ee ay ku soo baxeen xildhibaano badan oo dhalinayro ahi.”