Boorama-(BNO) Waxaa magaalada Boorama tan iyo intii maamulka cusub ka dhashay Soomaaliya dib uga hayaamaya dadkii barakacayaasha Soomaaliyeed ee ka soo barakacay koonfurta soomaaliya kuwaas oo kumanaan iyo kumaan gaadhaya oo sadanadadii ugu danbeeyay deganaa Magaaladan Boorama.
Barakacayaashan Soomaaliyeed ayaa si xooga uga baxaya magaalada iyaga oo ku sii jeeda dhulkii ay ka yimaadeen oo ay ugu horeyso xarunta Soomaaliya ee magaalada Muqdisho waxaana ay dadkaasi inta badan raacaan diyaaradaha iskaga goosha Somaliland iyo Soomaaliye iyaga iyo ubadkooduba, waxaa kale oo jirta dadyaw aan awoodin diyaarada kuwaas oo iyagna dhulka mara.
Safarkan iyo hayaankan cusub ee ka bilaabmay Magaalada Boorama ayaa imanaysa xili Nabadda koonfurta soomaaliya qaybo ka mid ahi soo hagaagayaan marka laga reebo gooboyaryar oo ay wali ka sii arimayaan xoogaga ka soo horjeeda Dawlada Federalaalka Soomaaliya ee xarakada Al-Shabaab taasina waxa ay dhiirigalisay in ay si habsami ah ugu laabtaan guryahoodii iyo dhulkoodii ay horey uga soo barakaceen dagaalada iyo qulqulatooyinka siyaasadeed ee mudooyinkii u danbeeyay ka dhacayay Koonfurta Soomaaliya.
Waxaase jirta dadkaas Soomaaliyeed ee sida la yaabka leh ay u soo dhaweeyeen dadwaynaha reer Boorama oo qaar ka mid ah Shabakadan Booramaonline la hadashay xili ay anbabaxyeen ayaa waxa ay noo sheegeen in ay dadwaynaha Reer Boorama ayna waligood iloobayn soo dhawayntii iyo wadanoolaanshihii wanaagsanaa ee naga dhaxeeyay intii aan ku sugnayn ama degenayn Boorama oo ay sheegeen in ay gaadhayso sannado Badan.
Dhanka Kale waxaa iyagna jirta arday xoogan oo iyagu jaamacaddaha Boorama wax ka barta culuumta kala duwan ee ay jaamacaddahaasi bixiyaan waxa ayna wali joogaan Magaalada iyaga oo dhamaysanaya waqtiga u hadhay waxbarashadooda jaamacadeed oo ay da’yartaasi hoosta ka xariiqeen in jaamacaddaha halkan ku yaala ay yihiin kuwo aqoon ahaan iyo tayo ahaan ka fiican jaamacaddaha faraha badan ee laga aasaasay guud ahaan Gayiga Soomaaliya Iyo Soamlilandba.
Si kastaba ha ahaatee dadkan ku noqonaya dhulkoodii oo nabadda ayaa aad ugu faraxsan nabadda aan lugaha adag ku taagnayn ee ka unkatay koonfurta Soomaaliya waxaana la filan kara waqtikasta iyo saacadkasta jawi ka badaln kan haatan ay ku naaloonayso Koonfurta Soomaaliya iyaga oo bulshada halkaas ku nooli ay waqti badan u huri doonaan kuna qaadan doonto sidii ay nidaamka dawladnimo ee nabadda Xanbaarsan ula jaanqaadi lahaayeen Sida Jamhuuriyadan Yar Ee Curdinka ah ee Aan wali la aqoonsan Ee Somaliland oo waqti dheer u soo hurtay Qaranimadan iyo nabaddda ay iminka hadhsanayso oo aan dhayal iyo dheeldheel ku iman.”
Reporter:CumarĀ C/laahi Aw-Xuseen
Boorama-Office-Somaliland