BOROORTU ORGIGA KA WEYN!!!! ARINTAN S-LAND LA YIDHI AMNI DARAA KA JIRTA ARINU WAY KAWEYN TAHY. WAA DHAKE KALE!!!?QALINKII jaamac maxamed xuseen (baadiye)
Asalaamu calykum dhamaantiin bulshada somali-land meelkasta oo aad caalamka kala joogtaan, gaar ahaan bahda websitekan oon idiinka mahadcelinayo sida wnaagsan ee aad umadiina ugu shaqaysaan,
waxaan doonaya inaan wax yar ka iftiimiyo arintan lam filaanka ah ee dadkii reer somali-land meel ka dhaca ku ah ee lagula kufay, marka hore waxaa jirtay iyadoo arintii qaraxii safaarad itobiya iyo UN iyo madxtooyadaba ka darnayd ayuu ingriisku joogay aanu odhan halaga soo baxo markaa arintu way siyaa sadaysantahay hadaynu u fiirsano waxaa loo malaynaya inay warar aan la hubin ay u gudbiyeen dawladan cusub ee soomaliya oo bilooyan danbe joogay wadanka ingriiska iyo qolooyin cadow ku ah madaxbanaanida somali-land iyo horumarkaa wanaagsan ee ay gaartay ee looga yaqaano africa (AFRIACN BEST KEPT SECRET) sirtii ugu wanaag sanyd qarsoonayd ee africa doorashooyinka aan lagu dagaalamin iyo horumarka business ka ee furfuran iyo xoriyatul qawlka intaasoo africa lag la’yahay.
Hadaan usoo dhaadhaco hadalkayga murtidiisa arintani wa1:In arimaheena geedi socodka siyaasada wax ka badelno & wad hadalka somaliya.
Waxaan ku talin lahaa sidan:
1:In wax laga bedelo geedi socodka arimaha siyaasad dibada oo (TEAM) la sameeyo la shaqeeya wasiirka oo aqoonyahano ah
2:In la adkeeyo xuduudaha bad iyo beriba.
3: in dadka somali-landerka ah loo sameeyo caadh aqoonsiya oo lagu xakameeyo amniga.
4: In reer koonfureedkaniyo ajaanibka kaleba la diiwan geliyo loona sameeyo sharci ay ku joogaan, kuwa soo galayana ay VISE dalku gal ah laga siiyo xuduudaha lacgbaaba halkaa kasoo galysa
5: In dadka calooshood shaqaystayaasha ee xamar u doonanaya xilal, ay leeyihiin somali-land ayaanu matalnaa laga soo saaro sharci adag si ayna cid danbe ugu riyoon.
6: Mucaaridnimada iyo wixii qaranka sumcadiisa wax u dhimaya yaan la isku khaldin, sirteenana yaan warbaahinta laga sheegin oo aany cadowgu halkaa (weak point) ga halkaa ka helin.
7: In dawladu samayso meel wixii cabasho ah iyo wixii fariin ah ama ra’yi wanaagsan ah loo soo mariyo hadii kale tv yada la idinka caayayaa.
8: In wax laga bedelo tvga iyo idaacada waxaa ka shaqeeya uun intii idaacadii hormuud ee kulmiye oo kaliya ahayd ha is ka dhex arkan beelha o dhan bariga shishe mabuu gaadhin sida laasocanod.
9: In dhab inaga tahay gooni isu taageeno caalamku inaga arkaa waayo? hadii kale waxaa la odhanayaa waar dadkani waa isku dad uun e wax qadiyadi kama dhaxayso!!.
10:In siyaasad maalgashi ah ay dawladu soo bandhigto sida dhul banaan oo loogu talagalay cidi maalgashanysa somali-land, sida Ethopia hadad lacag haysato dhul free ah aya lagu siinaya, taasi waxy keenaysaa in uu dhulkii dhismo oo qaab qurux badn oo dawladaha aduunka u eeg yeelano, taiwan ba cidi ma aqoonsan waan taa weli gooni u taagan.
waxaan ku soo gunaanadi lahaa hadalkayga yaynaan isku mashquulin inagu, waa la inagu soo maqanyahay ee hadynaan u fiirsan fadhiga ka kicin diirad wax ku eegin waxaa soo socodaa ka waaweyn ee waa nigii hore usoo idhi maah maahdii (BAROORTU ORGIGA KA WEYN) waa mar marsiiyo, insha- Allah waxaan ilaahay ka rajaynaynaa in mar uun aynu helno dawladnimadeeni inaga luntay, inaga af-libaax galnaye……….Inta fikirkan ila qabtana ama maqaalkaygan akhrisatana aad baan idiinka mahad celinayaa waa dareen wadani-nimo.
Qore: jaamac maxamed xuseen (baadiye)
Bristol. Uk.
khadar102000@hotmail.com