London-(BNO) Wasaarada arimaha dibada ee Ingiriiska oo 27 kii bisha January soo saartay digniin la xidhiidha in Muwaadiniinta Ingiriisku ka baxaan Somaliland isla markaana aanay u safrin Somaliland sababo amaan xumo awgeed, waxayna si gaar ah shiish ka u saartay amaanka caasimada Somaliland ee Hargeysa, oo ay ku sheegtay inuu ka jiro xasilooni daro iyo cabsi laga qabbo in reer galbeedka, gaar ahaan muwaadiniinta Ingiriiska afduub lagula kaco.
Hadaba qoraal ay ku baahiyeen boggooda Internetka maalintii shalay eeĀ 31-ka bisha January isla-markaana ay ciwaan uga dhigeen (Safety and Security ) ayay muwaadiniintooda uga digeen guud ahaan dalkii somaliya la isku odhan jiray oo ayna ku daren ina ay Somaliland ku jirto.
Digniintoodan cusub ee ay shalay 31/1/2013 ku qoreen boggooda wasaaradda arimaha dibedda ayaa waxay ku soo qaateen dhacdooyinkii isqarxineed ee ka dhacay madaaladda Muqdisho muddooyin hore iyo afduub loogu gaystay gobolada badhtamaha Somaliya laba nin oo ka hawlgali jiray hay’adaha samafalka.
Waxaana uu ku aroorayey nuxurka digniintoodan cusubi guud ahaan dhulkii wixii ka horeeyey 1991 la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Somaliya, waxaana ay intaa raaciyeen ciddii u dhalatay Britain ee ka dhego adaygta digniintani, ay naftooda iyo caafimaadkooda sii geliyaan Caymis (Insurance).