London-(BNO) Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada London ee caasimda dalka Ingiriiska.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kadagay garoonka diyaaradaha ee Magaalada London waxa socdaalka uu ku tagay halkaasi ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadaba, Lataliyayaal iyo xubno kale oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka London safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya iyo madax kale.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu la kulmo Madaxda dalkaasi gaar ahaan Dived Camron, waxaana uu kala hadli doonaa arrimaha Soomaaliya iyo sidii dowladda Soomaali loo taageeri lahaa.
Waxaa kaloo la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlo Dived Camron Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska shir lafilayo in uu ka furmo Magaalada London kaasi oo ay horay isugu afgarteen Wasiirada arrimaha dibada labada dal.
Booqashada Madaxweynaha uu ku tagay Ingiriiska ayaa daba socotay markii uu soo dhameystay socdaal uu ku tagay Magaalada Brussels ee dalka Buljimka halkaasi oo uu kula kulmay madax ka tirsan hogaanka Ururka Midowga Yurub.
Booramaonline Desk
London-UK