“Qaranimada S/Land ee 21 Jirsatey Marna laga Yeeli maayo in ay cidi duulaan ku Noqoto Qalinkii C/raxmaan Fidhinle

Filed under: WARARKA SOMALIYA & CAALAMKA |
Somaliland waa Dalkii ugu horeeyey ee 5tii Soomaaliyeed  ugu hor-qaatey Xoriyadeedii taariikhdu markey aheyd 26/6/1960 . Waxaana  isla markiiba ansixiyey ilaa iyo 33 wadan oo aduunka ka tirsan , taariikhdaa halkaa u-dhaafimaayo oo waa laga wada dheregsan yahay. Waxaana la wada ogyahay iyana in ay Somaliland Dawladnimadeedii ay dib ula soo noqotey taariikhdu markey aheyd 18.5.1991. Shacabka reer S/Land iyagoo  iyagu  xaq u leh waxay u tashadeen wadankoodii iyo masiirkii umadooda, Hadana  ma jirto cid-khasbi kartaa ama ju-juubu kartaa ama gil-gil kartaaba.
 
Ummadda Reer S/land waxaa illahay ( SXW) uu garansiiyey oo ay leeyihiin Calan ay ku xar-dhan tahay ( Laa-ilaaha- ilalaahu- muxamadow rasuulu-laah) kaas oo noqonaya Calan aaney Gaalo iyo Muslim midna aanu Dejin karin ama aaney rux-ruxina karin. Waxaana shacabka reer Somaliland aan ugu baaqayaa in aaney ku haleyn Xukuumada Hada jirta Xasiloonida iyo Nabadgelyada wadanka balse ay iyagu hadii ay tahay aqoonyahan,Wax-garad, Dhalinyaro,Waayeel, Haween, qurbe-joog, qol-qol joog ,Siyaasi iyo Samo talis ay intuba ay iyagu dhexda u-xidhaan sidii ay u–ilaashan lahaayeen Qarankoodan yar ee barakeysan iyo Nabadgelyadooda, Wadaaga dantooda iyo wada jirkoodii ay ku soo caano maaleen 21 kii sanadood ee ina soo dhaafey, Taas oo caalamka Badankiisu uu ku amaani jirey kuna ma-jeeran jirey wixii ay S/land  qabsadeen, dib-udhiskii  wadanka iyo Horumarkaa caalamku arkaayo ee  ay  Lugahooda  isku taageen  iyaga oo dhameys tirtey Dhamaan wixii ay Dawladi laheyd oo dhan.
 
Xukuumada kulmiye waxaan leeyahay iminka ayuun buu Bilaabmay Dagaalkii Siyaasadda ee Somaliya lagu kala guranaayey ee waxaa la inka Doonayaa Caqligii, iyo aqoontii iyo kartidii lagu wajahaayey  ama lagu hor-fadhiisanaayaayey Dagaalkaa Siyaasadeed ee hada uun Bilaabmey. Waa in aad wada tashi buuxa aad la yeelataan waxgaradka, aqoonyahanka, Asxaabta mucaaradka ah iyo ururada bulshada si ay u gorfeeyaan oo u-qaadaa dhigaan wixii khasaare iyo faa’idoba uu S/land u leeyahay shirka loo balansan yahay 7/5/13 hadii la isku raaco in Somalia la hor-fadhiisto oo lala gar-naqsado iyo hadii la isku raaco in aan shirkaba la tegin.Waxaa iyana  la idiinka fadhiyaa in aad  Qaranka ku hagtaan Siyaasad Diblomaasiyeed oo Qorsheysan oo cad oo ku socoda jid-cusub oo siyaasadeed oo aad ku curiseen awooda Golayaasha oo  dhameystiran iyo wada tashi buuxa  kaas oo idiin fududeyndoona  dariiqii aad u  wajahi laheydeen Dagaalkaa Siyaasadeed ee cusub ee hada  S/Land ku soo wajahan.
 
Waxaan Xukuumada leeyahay intii aad wadanka hageyseen waxaad dhaawacdeen midnimadii, isku duubnidii
wax-wada lahaanshihii iyo wadaagii danta guud ee ummadda S/land ka dhaxeysey. Kadib markii Doorashadii aad sidii lawada ogaa aad ka yeesheen ee aad xilalkii muhiimka ahaa ee Qarankana aad u-Xanbaariseen Duul aan weligood xil ummadd u-soo qaban oo madax-adag oo aan laheyn waayo-aragnimo hogaamineed hadana aan qaadan tababaro ay ku maareeyaan Shaqooyinkii loo igmadey, ku waas oo meel kaga dhacey Milgihii Qaranimada, Dawladnimada iyo Karaamadii Ummadda. Waxaana wax-walba ka horeeya sidii khilaafyada  hada jira loo soo af-jari lahaa  si aanu cadowga S/land ee dhul-jiifka ahi aanu uga faa’ideysan wadanka . S/Landna  ay u noqoto Dal iyo Dad  mid wadda ah oo mideysan oo ah ul iyo diirkeed sidii horeba loogu yiqiiney.
 
Waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in ay wadanka ku hagto Ilbaxnimo Siyaasadeed oo ku saleysan Nimadaamka Dimuqraadiga ah, kaas oo ah ka keliya ee isu soo dhaweyn karo shacabka S/land, laguna bedeli karo dareenkooda.Laguna gaadhi karo Horumar-dhaqan  dhaqaale oo dhan kasta leh.
 
Geba-Gebo:  Waxaa  aan Xukuumada leeyahay Sidii la idiinka Bartey Midigtiinu yey noqon-Mid-Tolkiin
u-muruq weyn oo Murjin-kiinu yuu noqon Malag-dila Walaalkiin. 
 
 
Alleh ayaa Mahad leh,
Wa-laahum aclum-Wa Bilaahi-Towfiiq
A/Rahman fidhinle
Intensive Personal advisor
United Kingdom
London