“Cadaalada Darada Siilaanyo Ceebtii Maahee Waa Caadadii !!!Qalinkii Caydaruus Maxamed Guhaad.

Filed under: WARARKA SOMALIYA & CAALAMKA |

Maanta ayay ahayd markii ugu horeysay ee darajo la siiyo ciidamada Somaliland.waxaanu  madaxweyne siilaanyo hormadii ugu horeeysay ee ciidamada ku taxay Darajooyinkii mudaba la sugayay.

Dad badan oo hore uga hadlay ayaa sheegay in aanu Siilaanyo u cadaaalad falaynin ciidamada ee uu hayb qabiil iyo nin jeclaysi ku salayn doono darajo siinta ciidamada Somaliland.

Shacabka reer Hargeysa ayaa maanta amakaag iyo layaab ay ku noqotay qaabka uu u xushay siilaanyo dalacsiinta qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada.

Marnaba laysma lahayn Maxamuud Ducaali Cali (Ina ducaale) ayaa ka qadi doonaa hormada ugu horaysa ee darajada ciidamada,balse way dhacday.

Ina Ducaale oo hadda ah hoggaaka howl galinta ciidamada Booliska Somaliland ayaa dad badani u yaqaanaan madaalaha ciidamada qaranka Somaliland.waxaana lagu arkaa goob kasta oo wax ka dhacaan.

Shacabka reer Somaliland ayaa aaminsan in madaxweyne Siilaanyo derajada ciidamada qabyaalad galin doono  si gaar ahna uu darajo aan jirin ugu tixi doono reerkiisa iyo reeraha uu u arko in ay beeshiisa u muraad quminayaan.

Caydaruus Maxamed Guhaad

Germany