Boorama-(BNO) Ciyaarihii fuududaa Oo Maanta Lagu Qabtay Garoonka Weyn Ee staduim
Hassan Sheekh Muumin Oo Si Rasmi Ah Uga Socda Halkaasi
Ciyaaraha fudud ee lagu qabatay garoonka weyn ee kubada cagta gobolka
awdal ee staduim hassan sheekh muumin ayaa lagu qabtay ciyaarahaasi
orodka ah ee iskugu jira 1500 ilaa 100 ka oo si rasmi ah uga socda
garoonkaa weynee biroole.
Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha G/awdal iyo Salal ee
sport-ga Abdiwahaab yuusuf ibraahin oo hadal uu ka soo jeediyay ku
sheegay nin ciyaaraha fudud sanad waliba la qabto awdal iyo haday
tahayba somaliland oo ciyaaraha goboladana lagu qabto orodyahano balse
imika si fiican ay u wadaan oo sheegayna in uu dadaal dheer ugu jiro
sportiga gobolka awdal dadweynaha reer awdalna ay ka warhayaan orodada
ka jira gobolku uu yahay mid aad u fiican.
Gudoomiyaha sport-ga G/awdal,Salal Abdiwaahab yuusuf ibraahin oo
hadalkiisa sii raacshay orordkan in uu muhiim u yahay ta gobolka iyo
ka qayb galka orordada ka dhaca somaliland in uu guul u soom hoyn
doono faa’iidana u yahay dhalinta ciyaaraha fudud iyo kubada cagtaba
isagoo hadalkiisa ku gunaanaday in loo baahan yahay midnimo iyo dadaal
oo ah mid lagu ilaalinaayo dhalinta ciyaaraha iyo sportga noociisa
kala duwan meel fiican u maaraya ciyaaruhuna wali soconaya ilaa maal
maha soo socda.
Dhanka kale ciyaarihii ka socday garoonka weyne ee hassan sheekh
muumin oo meel wanaagsan mraaya tartanka oo kulmiyey dhalinyaro aan
kala dhacay oo meel adag maraaya balse aan wali la shaacin maalinta
finalka orodada ciyaaraha fudud.
Hadaba halkan waxaad ka daawataan sidii loo kala galay wareegyadii
ciyaarihii fududaa iyo orodka oo ahaa mid 400 oo mitir ah iyo mid 800
ah oo mitir ah oo laba wareeg ahaa oo sidii loo kala galay kaalmaha
400 oo la caymaday 4 jeer ciyaartooyada orodyahanadana waxaa ka soo
baxay lix ciyaartay oo finalka u taagan iyo dhanka kale oo 800 lix qof
u soo baxeen oo si rasmi ahan u socda iyadoo la qabanaayo tartankii
kale ee ahaa kun iyo shanta boqol oo bari la sugaayo saadaasha kulnka
soo socda.
Isku soo wada duubo waxaa ciyaaraha ku soo biiraaya hadba ciyaar
yahano kala duwan oo laga yaaban yahay sida ay u galeen kaal maha kala
duwan ee finaalkana la gugaayo oo kulankan dhacayna sidaasi ku
dhamaaday
Reporter:Liibaan Maxamed Axmed (Liibaan Liimo)
Boorama-Office-Somaliland