Boorama-(BNO) Ciyaartan saaxiibtinimo oo dhex martay jaamacada golis iyo jaamacada
camuud oo marti loo ahaa oo si fiican u soo dhaweysay walaalahooda uga
yimid hargaysa iyo dhalinyarada ka socotray jaamacada golis oo uu
hormuud ka ahaa gudoomiyaha engneerinka ee jaamacada golis oo
hogmiinaayay.
Dhanka kale ciyaartooda iyo maamulka heerka sare ee jaamacada camuud
oo marti qaad sare u samayey labadaasi kooxood oo masuul ka ahayd ayaa
kulnakaasi si fiican u soo agaasintay iyadoo labada team si fiican
iskugu dhex barteen garoonka weyn dhexdiisa.
Ugu horayn waxaa madashaasi ka hadlay godoomiyaha buseniss ka
jaamacada camuud oo sheegay in loo baahan yahay soiidan oo kale balse
aanay badanaa dhicin kulamo caynkan oo kale ah isagoo hadalkiisa ku
sheegay in la xoojin doono dhamaan guud ahaan somaliland in
dhalinyarada la is dhex gasho ama la is baro.
Dhinaca kale waxaa ka hadlay masuulkii daadihinayay kooxda jaamacad
golis oo si fiican ugu mahadnaqay maamulka sare ee jaamacada camuud
amaana u jeediyay walalahooda marti qaadka u sameeyey isagoo soo
koobay hadalkiisa sidaasina kaga baxay.
Sidoo kale waxaa meesha madasha ka hadlay gudoomiyaha sport-ga gobolka
awdal ka hadlay sida fiican ee ay samaysay jaamacad camuud sheegayna
in loo baahan yahay in dhalinyarada wadanka joogta in loo sameeyo
dadaal dhaxal gal ah oo loo baahan yahay jaamacadahana looga baahan
yahay dhalinyaradana loo sameeyo wax qabadka dhanka spotiga oo oo ay
aad muhiim ugu tahay gudoomiyaha oo hadalkiisa ku soo gunaanaday in
maanta martida u timid sheegay in ay ku faraxsan yihin sidaasina tahay
in faaido ay u tahay dadka iyo dalkaba in la walaalobana ay muhiim u
tahay dhamaan dhalinyada afka sportiga ku hadasha oo amaana u soo
jeediyay labada dhinac ee ka kala socda ciyaarta dalxiiska loogu yimid
gobolkan awdal caasimadiisa boorama.
Ciyaarta dhex martay labadaasi kooxood oo waji wanaagsan ku bilaaban
tahay iyo iyo kooxda kubada cagta ee ka socotay jaamacada golis oo si
wanaagsan u soo bandhigtay ciyaarwanaagsan oo aad u dagaynd halka
kopoxda kubada cagta ee magaca jaamacad camuud ku ciyaaraysayna sidoo
kale ahayd balse ciyaartuna ku dhamaantay waji dagan oo loogu awood
sheegtay kooxda kubada cagta jaamacad camuud oo 2-0 kaga badisay
kooxdii martida ahayd kaga badisay kooxdan martida ahayd oo ku
carowday guul daro may kala kulmeen dhanka kale ee kooxda saaxiibka ay
ahaayeen oo waji wanaagsan ku kala tagay sidaasi garaamaantana isku
badalay iyadoo si walaltinimo ku dheehan tahay.
Reporter:Liibaan Maxamed Axmed (Liibaan Liimo)
Boorama-Office-Somaliland