Buuhoodle-(BNO) Shacabka ku dhaqan Magaalada Buuhoodle ayaa maanta dhigay Mudaharaad ay kaga hal-celinayeen hadal Madaxwaynaha Maamulka Puntland ku qiray xasuuqii Dawladdii Siyaad Barre u gaysatay shacabka reer Somaliland.
Mudaharaadkan oo ay soo abaabuleen Kooxda Falaagada ah ee la baxday Khaatumo, ayaa waxa ka qayb-qaatay dad maati u badnaa oo isugu jiray haween iyo Carruur, kuwaasi oo siyaasiyiinta dhibaatada ka wada aagaasi ay been u sheegeen.
Dadkan ayaa ku dhawaaqayay weedho lid ku ah Madaxwayne Faroole, iyaga oo muujinaya inay ka xun yihiin weedhihii uu ku sheegay dhawaan in taliskii Siyaad Barre dhibaato badan iyo xasuuq u gaystay shacabka reer Somaliland.
Dadkan oo isugu soo baxay garoon kubadeed ku yaala Magaalada Buuhoodle, ayaa waxa hadalo u jeediyay qaar ka mid ah kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo la baxday, kuwaasi oo u jeediyay hadalo ku xidhiidhsan nacayb iyo xumaan ay u hayaan Somaliland iyo cid kasta oo taageerta ama dhibaatada loo gaystay sheegta ama soo bandhigta.
Shacabka reer Buuhoodle, oo Mudaharaadku caado iyo dhaqan u yahay isla-markaana ka gadooda wax kasta oo ay u arkaan inaanu dan u ahayn, ayaa Mudaharaadka wax kala qayb-galay Maleeshiyaadka ay addeegsadaan Falaagada Khaatumo la baxday ee xumaanta ka dhex wada bulshooyinka wallaalaha ah ee reer Somaliland.”
Booramaonline Desk
Hargeysa-Somaliland/rm