Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Banki-Moon Oo Golaha Loo Dhanyahay Xoog Ku Saaraya Sidii Soomaaliya Cunaqabataynta Hubka Looga Qaadi Lahaa…

Filed under: WARARKA SOMALILAND & SOMALIYA |

New-York-(BNO) Golaha amaanka Qaramada Midoobay ayaa qorshaynaya sidii Somaliya looga qaadi lahaa cuna-qabataynta hubka ee lagu soo rogay 1992-kii.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Banki Mon oo ka hadlay kulan ay yeesheen wakiilada 15-ka dale e xubnaha ka ah glaha amaanka Qaramada midoobay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la tixgaliyo codsiga dawladda Somaliya ee ah in laga qaado cunaqabataynta hubka si loo dhiso awooda ciidamada xooga dalka “Si loo xoojiyo dadaallada socda waxaa loo baahan yahay in la xoojiyo awoodda ciidamada xoogga dalka, Sidaa daraadeed, golaha ammaanka waxaa laga doonayaa inay tixgeliyaan codka dowladda Soomaaliya ay ku dalbatay in laga qaado cunno-qabteynta hubka.”

Xoghayaha Qaramada midoobay waxa kale oo uu ka hadlay  “Xilligan ammaanka Soomaaliya waa mid soo hagaagaya, balse wax-iska-caabintu waa mid weli taagan. Dagaalyahannada kasoo horjeeda dowladda weli waxay wadaan weerarro argagaxiso iyo dilal qorsheysan”ayuu yidhi.”

Booramaonline Desk

New-York-