Boorama-(BNO) Munaasabad balaadhan oo ay ka soo qaybgaleen qaar ka mid ah culumada waawayn ee magaalada Boorama iyo mas’uuliyiinta shirkada Telesom Iyo Amoud Express ayaa ka dhacday Masjidka Abuuhurayra Ee Magaalada Boorama.
Munaasabadan oo ahayd mid qaylo dhaan ah oo loogu yaboohayay dhamaystirka dhismaha Masjidkan oo ah masjidka ugu wayn magaalada Boorama kaas oo ahaa mudooyinkii ugu danbeeyay mid qabyo ah waxaana halkaas hadalo ka soo jeediyay Sheekhulbaladka Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar Iyo Imaamka Masjidka Sheekh Cali Shucayb waxa ayna sheegeen in masjidkan oo ahaa mid uu dhismihiisa hore iska lahaa nin sucuudiyaan ah oo muxsina uu meel wanaagsan soo gaadhsiiyay hadana uu hadhsan yahay oo qudha waxoogaa xaalxaala oo ay ka mid yihiin, Dhigista Marmarka, iyo meelo lagu wayso qaato qaybaha raga iyo dumarka.
Sidoo kale waxa ay culumadani sheegeen in bilowga dibu dhiskan haatan ka socda masjidka ee qaybta marmarka ah ay ka qaybqaateen Xawaaladda Amoud Express waxa kale oo ay shirkadaha kale iyo dadwaynaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ee khayrka jecel ka codsadeen in ay la soo baxaan wixii karaamkooda ah ee aakhiro iyo aduunba anfacaya maadaama uu yahay Masjid ama Baytulllaah.
Dhanka kale waxaa iyagna halkaas goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socotay Shirkadaha Xawaalada Lacagta Ee Amoud Express Sheekh Cali Jawhar, Mustaqbal Sheekh Maxamed Iyo Telesom Xaaji C/qaadir.”‘
Goor Dhaw Filo Warkaas Oo Maqal Iyo Muuqaala Insha Allah.
Hadaba wixii tabarucaada kala Soo Xidhiidh Numbarkan Hoosta ku qoran oo ah Imaamka Masjidkan Abuurhurayra.
Sheekh Cali Shucayb: +252-2-4458150