War-Deg-Dega::Halkan Ka Daawo Madaxwaynaha Qaranka Soomaaliya Oo Fariin U Diray Shacabka Soomaaliyeed Meelkasta Oo Ay Joogaan..

Filed under: VIDEOS,WARARKA SOMALILAND & SOMALIYA |

Doha-(BNO) Madaxweyna Jamhuuriyadda Federaalka Ah ee Soomaaliya Mudane: Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan maalintii 2-aad Dalka Qadar Caasimadiisa Dooxa ayaa Fariin u diray Shacabweynaha Soomaaliyeed meel Walba ay joogaan.

Fariintan oo uu Madaxweynaha ugu Tala Galay in uu usii Marsiiyo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa Dad Waynaha Soomaaliyeed u sheegay in ay Tahay Xiligan la joogo Waqtigii ugu Fiicnaa ee Shacabka Soomaaliyeed soo marta oo ay Fursado Badan Haystaan.

Waxa uuna intaas Ku daray Madaxweynaha Dalka in Caalamka usoo jeestay Soomaaliya ayna Wax badan la Qaban karaan Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Ayaa Shacabka Soomaaliyeed ku Booriyay in ay Mar walba Sugin Gacansiinta Wadamada kale ee iyaga uun isku tashadaan, marka ay Dadka Soomaaliyeed isku Tashadaan ay sii Kordhayso gacansiinta Wadamada Caalamka ay Soomaaliya Gacan siinayaan.

Ugu Dambeentii Madaxweynaha ayaa Fariintiisa ka Codsaday in Xanta iyo Warxuma Tashiilka laga fogaado xoogana la saaaro sidii loo hirgalin laha waxa Soomaalidu dhamaandeed isku raacsan yihiin oo ay ka midka tahay ka shaqeynta Nadabadda, Dowladnimada, iyo Federaalizimka IWM.

Halkan hoose ka Daawo Muuqaalka Madaxweynaha oo Shacabka La hadlaya.