Nairobi-(BNO) Najiitoojin hordhac oo ku dhacaya xaruunta dhexe ee Bomas Of kenya ayaa muujinaya in Uhuru kenyatta uu hogaaminayo musharaxiinta madaxweynimada u tartamasya.
Uhuru Kenyatta ayaa ilaa iyo haatan haysta 2,759,805 (53.40%; Raila Odinga ayaa isna ilaa iyo haatan haysta 2,172,202 (42.03%) waxaana wali socota tirinta codadka iyadoo ilaa iyo haatan la helay natiijada 5 Milyan oo kamid ah 14 milyan iyo Shan boqol oo kun oo codka dhiibatay, waxaana ilaa iyo haatan codadka qasaaray ay yihiin 316,472.
Musharxiinta kale Musalia Mudavadi 146,149, Peter Kenneth 30,560, Martha Karua 18,912, Prof James ole Kiyiapi 17,358, Abduba Dida 15,881 and Paul Muite 5,435
Ilaa iyo hada codadka la xisaabiyay waxa ay gaarayaan 4,062,094 sida uu sheegay gudiga doorashada dalka Kenya.
Deegaanka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Kamakunji kana mid tahay Xaafada Islii ayaa waxaa hogaanka uhaya codadkii la tiriyay Uhuru Kenyatta oo haysta 22,762 halka Raila uu haysto 19, 607.
Sidoo kale waxaa ilaa iyo haatan codadkooda lahayaa 11,055 xarumood oo laga codeeyay kuwaas oo qeyb ka ah 31,981 xarumood oo dalka oo dhan ka furnaa.
William Ruto oo ah ninka utaagan madaxweyne kuxigeenka isbahaysiga Jubillee oo hogaaminaya codadka hordhaca ah ayaa sheegay in ay sugayaan inta ay IEBC kaga dhawaaqeyso natiijada kadib shir uu goordhow qabtay.
Doorashadaan ayaa musharixiinta u tartamaya jagada madaxtinimada dalka kenya , waxaa ugu cad cad labo musharax oo kala ah Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga , waxaana laga cabsi qabaa hadii midkood ku guulaysto in ay rabashado dhacaan .
Wararka qaar ayaa sheegay in galbeedka dalak kenya, gaarahaama magaalada kakameega saakay gaari lagu gubay ,iyadoo ay boolisku isku dayayaan in aysan sii fidin rabashdo, kooxaha la sheegay in ay saakayba ka bilaabeen rabashdo galbeeedka,waxaana xusid mudan in galbeedka dalka kenya uu ka soo jeediyo musharaxa isbahaysiga amani, Musaliya mudevadi,oo ka mid ah musharixiinta u tartamaya jagada madaxtinimada dalak kenya.