Boorama-(BNO) Gudida wakiilada somaliland daneeyayaasha caafimaadka uruurada kalaqaybahooda kala duwan ardayda caafimaadka ka shaqeeya oo iyana kahadlay arimo aad u muhiim ahaa oo su’aalo weydiinayay masuuliyiinta ka socotay barlamaanka somaliland.
Ugu horayn waxaa ka hadlay madasha xafladaka dhacday su’aalaha lab isku weydiinayay waxaa ka hadlay xil. Ibraahin mahamed haybe masuulka tirsan golaha wakiilada ayaa ka jawaabayay waxyaabihii umada faaiidada u lahaa ama dadka caafimaad daradu ku dhacdo ka hadlayay in ay u baahan yihiin goobo caafimaad oo deg deg ah in loo sameeyo lagana
warhayo oo bulshada caafimaadkeeda laga warhayo ku soo koobay hadaladiisa.
Waxaa kale oo ka hadlay xildhibaan ahmed ducaale bulaale oo kawaramayay goobaha iyo degmooyinka ay soo kormeereen ee ay ku sooarkeen dhibaatada ka jirta mchyada ku yaal degaanka baki in gurmadbadan ay u baahan yihiin in laga warqabo oo degmadaasi xaladeedu adagtahay su’aalo wax laga waydiinayayna ka jawaabaayay hadalkiisanakhudbad aad u fiican kaga baxaya.
Geesta kale ee waxaa hadalo aad u fiicnaa ka jeediyay xildhibaan ahmed yaasiin sh ali ayaanle oo ka waramay dhibaatooyin badan oo degaanka awdal wax badan uu ka soo qabtay xildhibaanka ayaa waxaa kale oo uusheegay in aad loogu baahan yahay goobo caafimaad oo dadweynaha bulshada lagu daryeelo kuna dheeraaday kufsiha haweenka loo gaysto in aad loola dagaalami doono oo talaabooyin sharci ah oo lala dagaalami doono isagoo hadaldiisa ku sheegay in Gobolku lee yahay xuduudo badan oo dalal badan aan jarlanahay lagana warhayn doono xanuunada dilaaga ah ee halista badan ku keena bulshada qaybaheeda kala duwan sidana ku soo koobay hadaladiisii.
Sidoo kale waxaa iyadna halkaas hadal qiiro leh oo quluubta dadwaynihii iyo masuuliyiinti iskugu timid madashan ruxay ka soo jeedisay gudoomiyaha ururka CDA ee ka hawlgala Gobolada Galbeedka Somaliland Marwo Aamina Cilmi Fariid kana shaqeeyay wacyigalinta iyo ka hortaga ku tacadiga haweenka waxaan ay sheegtay inhaweenku u baahan yihiin gurmad u gaar ah oo laga warhayo maadaama ay yihiin laf dhabartii aduuunka waxaa kale oo marwadu codsi u soo jeedisay ah in goluhusharciyeeyo in xeer laga soo saaro Kufsiga.
Waxa kale oo ay sheegtay in loo baahanyahay in wax laga qabto dhibaatooyinka haysta haweenka ku nool degmooyinka deegnada tuulooyinka iyo baadiyahaba oo muhiimna u tahay haweenka meelaha fog ee tuulooyinka ku dhala loo sameeyo gurmad ama baabur lagu soo qaado lanabadbaadinkaro umulooyinka ku dhiig baxaya goobaha ka fog meelaha udhow degmoyinka tuloyinka iyo deegankabasidaasina hadaladeeda kaga baxday.
Isku soo wada duubo waxaa kaloo ka hadlay madashan maanta ka dhacdayhotelka weyn ee rays hotel oo kana soo qayb galay xindhibaano ka socday golaha deegaanka degmada boorama marti sharaf badanhaweenweynaha degmada aryadacaafimaadka ka dhigata jaamacada camuudiyo qaybahooda kala duwan ee bulshada arinka laga hadlayayna ahaasidii loo badbaadin lahaa dadka xanuunada deg degaa ku dhaco sidii loobadbaadin lahaa gurmadna loogu fidin lahaagoobaha m.c.h.yadana loogu badin laha degmooyinka aan ahysan gaadiidaka umbalac lagu soo qaado qofka xanuunka awood weyni ku dhaco sidii goobta loo keeni lahaloogana warhayna lahaa xildhibaanad ka socday golaha wakiilada somaliland ee gudiida daneeyayaasha caafimaadka arimaha bulshada wax ka qabanayay oo kor meer ku soo maray degmada boon iyo baki ilaa xariirad iyagoo ko soo xidhay kormeerkoodii shaqo degmada boorama ee xarunta Gobolka awdal.
Reporter:Liibaan Maxamed Axmed (Liibaan Liimo)
Boorama-Office-Somaliland