Xariirad-(BNO)Wararka laga helayo magaalada Xariirad ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhawayd uu duleedka magaalada ka bilaabmay dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada milatariga Somaliland iyo maleeshiyaadka beesha ciise, dagaalkan ayaa sida lagu soo waramayo waxa uu bilaabmay kadib markii ay ciidamada milatarigu ku ruqaansadeen dhinaca kooxaha maleeshiyada ah oo iyagu isku urursaday buuro duleedka Xariirad ku yaala.
Sidoo kale wararku waxa ay intan ku darayaan in dagaalku uu bilaabmay kadib markii ay guul daraysteen wadahadalo la doonayay inay kooxaha maleeshiyada ahi hubka ku dhigaan oo u dhexeeyay xukuumada iyo beesha Ciise, dagaalka galabta bilaabmayayaa ah mid u dhexeeya Ciidamada Milatariga Somaliland iyo kooxaha nabadiidka maleeshiyada Ciise ah.
Dagaalkan ayaa waxa ilaa hada dibada ka jooga dadka degaanka Xariirad oo shalay hal qof oo si gaadmo ah loo dilay uu kaga dhintay dagaalkaasi, waxana hada sugida amniga ahmiyada siinayaa waxay tahay xukuumada oo u muuqata mid garawsatay khatarta kooxaha nadgallyada quja-qujaynaya ee beesha ciise.”
Dhanka kale mid ka mid ah goobjooge ku sugan aaga hore ee dagaalka ayaa noo xaqiijiyay in gaadhi ay wateen laga qabsaday ayna baxsadeen qaar ka mid ah maleeshiyadaas nabadiidka beesha ciise.”
Si kastaba ha ahaatee waxaa ilaa haatan socda abaabul dagaal iyo gurmad xoogan oo u kala socda dhinacyada arintani ay khusayso ilaa haatana ma jirto wax wada hadal ama waanwaan ah oo dagaaladani lagu qaboojinayo.”
Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Booramaonline
Booramaonline Desk
XARIIRAD/Somaliland