War-Deg-Dega::Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Maanta Mudo Hal Sanno Ah Ka Qaaday Cunuqabataynta Hubka Ee Saarnayd Soomaaliya …

Filed under: WARARKA SOMALILAND & SOMALIYA |

New-York-(BNO) Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa Maanta isku raacay in muddo hal sano ah laga qaado cunoqabataynta hubka Saaran dalka Soomaaliya.

Isku Imaatin ay maanta yeesheen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo ka kooban 15 dal ayaa u codeeyey qaraar qabyo ahaa oo ay soo diyaarisey dowlad Britain, waxaana Golaha Amaanku isku raacay in qaraarkaas uu yahay mid shaqeynaya muddo sanad ah.

Sidoo kale, Qaraarka cusub ayaa dhigaya in mudada sanadka ah Soomaaliya laga qaado xanibaadda hubka ee saarneyd tan iyo sanadkii 1992-dii in y jiraan waxyaabo mamnuuc ah oo ay kamid yihiin in hubka culus sida diyaardaha iyo gantaalaha , waxaana hubka Soomaaliya la socon doona Qaramada Midoobey koox ay u magacaawday in aan lagu xad gudbin, lagadi karin lana wareejin karin.

Ugu Danbayntii Golaha Amaanka ayaa sidoo kale waxa uu ka dooday in loo kordhiyo waqtiga ciidamada AMISOM muddo hal sano ah, waxaana uu ka dhacayaa mandate-ku 24 Feberaayo 2014.

Golaha amaanka ayaa si tijaaba ah mudo sanad ah waxa ay xayiraada hubka uga qaadeen Soomaaliya waxaana marka uu dhamaado sanadkaasi mar kale lagu soo rogayaa Soomaaliya hadii ay xadidi weyso hubka.

Kooxa badan oo ay kamid yihiin qolyaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxa ay si aad ah u diidanaayeen in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, waxaana ay ku andacooden in Soomaaliya dowlada kajirtaahi aysan xadidi karin hubka.

Cunaqabateynta hubka waxaa lagu soo rogay dalka Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1992-dii xilligaas oo dalka uu ku jiray fowdo iyo kala danbeyn la’aan.

Dowlada Soomaaliya ayaa codsatay in laqaado xayiraada dhanka hubka ah ee labaatanka sano ka badan saerneed dalka, iyada oo ay taageertay dowlada Mareykanka oo ku andacootay in Al-shabaab iyo Al-qaacida aan laga guuleysan karin haadii Soomaaliya aan xayiraada hubka laga qaadin.