Dabka Ina Geelle Zaylac Ka Shidayaa armuu Jibouti gaadhaa Qalinkii Ibrahim Duale Sulaiman Talaabo

Filed under: WARARKA SOMALIYA & CAALAMKA |

Xukuumadda Kulmiye waxa loo doortay inay qaadaan xilka dadka iyo dalka Somaliland, Kana difaacaan cid kasta oo ku xad gudubta dhulka somaliland iyo shacabkaba.

Ka dib markii guuldaradii doorashadu ka dhacday dalka kuma koobnayn Zaylac oo keli ah, dhamaan wadanka oo dhan waxa ka dhacay fashil iyo guul darro uu masuul ka ahaa Kulmiye iyo xukuumadiisu, kulmiye oo sababay in doorashadii degaanka ee dalka ka qabsoontay lagu tilmaami karo fawda aan xad lahayn oo kulmiye sababay.

 Arrinta Zaylac maxaa gaar ka dhigay?

Zaylac iyo xeebaha galbeed ee somaliland waa riyo muddo dheer ka soo jirtay dhinaca jibouti oo ahayd ina ku fidiyaan maamulka jibouti dhulka somaliland, cid walibana way la socotaa isku daygii Xasan Guuleed iyo Ismaaciil ee waqtigii Dawladii somaliadii haligantay.

Waxa kale oo lala socday sagaashamadii bilawgiisii in Calanka Jibouti laga taagay Xariirad iyo meelo kale oo dhulka somaliland ka mid ah.

 Laba kaclaynta Ina Geelle waxa maanta sabab u ah, maamulka Kulmiye oo ah xukuumad itaal daran oo aan wax go’aan qaadasho ah lahayn waayo hore ayay oga dhacday in gudaha somaliland lagu qabtay shirkii Taleex oo xukuumadda lafteedu lug ku lahayd arrintan Zaylacna waxa maanta dabada ka riixaya xukuumadda oo aan marka horeba  mawqif cad ka qaadan oo iyadu wiiqday dimuqraadiyadii soo jireenka ahayd kana gaws qabadsaday doorashadii ka dhacday Zaylac, waxa kale oo xoog dabada oga riixaya koox reer Somaliland ah oo mushahar ka qaata Ina Geelle difaacana wax kasta oo Ina  Geelle ka dhan ah oo Somaliland Ka dhaca waana kuwa shacabka reer somaliland u afduubay danaha Ina Geelle.

 Ugu danbayn haddii Xukuumadda Kulmiye waxba ka qaban weydo arrinta ciidanka Ina Geelle soo abaabulay, waxa khasab noqon doonta in shacabka somaliland isu taago difaaca dhulkooda iyo dadkooda.

Waxa kale oo xukuumadda iyo cid walba waajib ku ah in la xalliyo khilaafka iyo is fahmi waaga beelaha somaliland wada dega iyada oo aan xalka ka raadin Jibouti iyo dirirdhaba toona.

 Ina geelena ha ogaado hadduu faraha kala bixi waayo arrimaha Somaliland guud ahaan iyo tan Zaylac gaar ahaan waxa hubaal ah inaanu dabku ku ekaan doonin xaaebaha galbeed ee somaliland ee uu kulaylku soo gaadhi doono kursigan kartoonka ah ee uu ku fadhiyo.

Ibrahim Duale Sulaiman Talaabo