Gudoomiyihii hore ee Xisbiga MRD UK Abdirahim Sahardid Kahin (kahin)
ayaa ka Maanta ka hadlay arimo dhowra oo ku saabsan Doorashada Jabuuti
iyo sababihii uu xilka iskaga casilay
Mr.Sahdid ayaa ugu horey waxa uu ka waramay sababtii uu xilkii iyo
xubinimadii xisbiga MRD UK uu iskaga casilay isagoo sheegay kadib
markii uu arkay in xisbigii uu ka tirsanaa ee MRD uu ku talaabsaday
waxyaabo lid ku ah danta qaranka iyo umada reer jabuuti isla markaana
ay u muuqatay cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii falalkan lagu kaco
isagaa isla markaana ku eedeyey saaxiibadiisii ay kuwada jireen
xisbiga MRD inay iyagu aabo u yihiin buuqa iyo khilaafka ka dhacay
doorashada isla markaan ay waxaan jirin ku kicinayaan dadweynaha
Dhinaca kale Mr.kahin waxa uu ka hadlay rabshadihii iyo buuqii ka
dhacay doorashadii Jabuuti iyo Niman Culimaa oo la xidhay isagoo
arimahaa ka waramayana waxa uu yidhi { dadweynaha jabuuti waxaan
leeyahay nabada iyo qaranimada ilaashada oo ninman siyaasiyiina oo
sharciga baal-marsan dantoodana wataa yaanay idinku duulin waxaan
jirin oo sal iyo raadtoona lahayn idiin sheegin si ay idin ku
iciyaan…… qolada culimada la xidhxidhayna waxaan lee yahay is
dajiya waxan dhacay waa qadar qornaaye idinka waxa laydiinka sugayey
inaad nabada iyo diinta ka shaqaysaan oo aad dada wacdidaane laydin
kama sugayn inaad idinku rabshado bilowdaan}
Sidoo kale Mr.kahin ayaa waxa uu Madaxweynaha iyo Xukuumada Jabuuti
usoo jeediyey inay aad iskaga xil saaraan sidii ay umada uga qaban
lahaayeen war xuma tashiilka umada warka qaldan usheegaya ee sida aan
habooneyn u kicinaaya
Gabagabadii ayaa Mr. Kahin oo la weydiiyey inuu saaxada siyaasada
sidaa kaga baxaayo iyo inuu xisbi kale kubiiraayo ayaa waxa uu sheegay
inuu Saaxadii Siyaasada ee Mucaaridnimada sidaa kaga baxay isla
markaana inta ay Siyaasadu ka dagayso ka fadhiyayo Saaxada Siyaasada