Somaliland Oo Si Adag Uga Hor-timid Cunaqabataynta Hubka Ee Somaliya Laga Qaaday, Kuna Soo Hal Qabsatay Hadal Ka Soo Yeedhay Raysal-wasaare Saacid

Filed under: WARARKA SOMALILAND & SOMALIYA |

Nairobi-(BNO) Dawladda Somaliland, ayaa genafka ku dhufatay cunaqabataynta hubka ee golaha amaanka Qaramada midoobay u fasaxay Somaliya, waxayna sheegtay inuu mandaqada Geeska Afrika dhibaato amaan daro u horseedayo.

Wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo isagoo ku sugan Magaalada Addis-ababa u waramay idaacada BBC-da, ayaa isaga oo arimahaa ka hadlaya yidhi “Waa arin aan aad iyo aad ah looga fiirsan oo aan wakhtigeedii aan iman, waxaanu u aragnaa arin abuuri karta dareen nabadgalyo daro ah oo ka abuuri karta dhammaan deegaanada Geeska Afrika, khaasatan deegaanada dhulka Somalidu deggan yihiin, sida Somaliland, Itoobiya iyo dhulka kaleba”

Wasiirka arimaha dibada Somaliland, waxa uu sheegay in dawladda Somaliya aanay awood u lahayn maamulida hubkaasi  “Dawladda Muqdishana waa dawlad aan weli la tijaabin, maaulkeeduna muu dhaafin halkii ay ugu timid,  maamulkeedu fidin oo halkii ay ugu timid ayay ku joogtaa, dhulka Somalidu degtana waxa ka jira maamulo kale iyo ciidamo kale, markaa waxaanu u aragnaa arin nabadgalyo daro ka abuuri karta mandaqada Geeska Afrika “ ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo sheegay in hubkan ay dawladda Somaliya ku fulin karto hadal raysal-wasaaraha Somaliya hore u sheegay  “Raysal-wasaaraha Somaliya waxa uu yidhi haddii aanu si midnimadii Somaliya keeni kari waynu waxa khasab nagu noqonaysa inaanu hab milatari ah u marno”.

Booramaonline Desk

Nairobi-Kenya