Hargeysa-(BNO) Saddex qof ayaa dhaawacmay oo midkood halis yahay kaddib markii waabberigii saaka mid ka mid ah ciidanka qaranka kana soo jeeda asal ahaan Sanaag-bari uu rasaas la beegsaday dad usoo kallahay xallilaadda xaaladda nolol-maalmeedkooda.
Rasaastaas oo dhaawacday Gabadh iyo Labo nin oo dhallinyaro ah, kuwaas oo cusbitaalka Ceerigaabo lagu daawaynayo midkoodna la sheegay in uu dhaawaciisu halis yahay.
Askariga falkan geystey ayaa isagana ciidanka boliisku qabteen.
Lama garanayo sababta falkani ka dhashay balse maaddaama dadkan dhaawacyadu soo gaadheen yihiin dad aan isku qabiil ahayn ama xataa la isu aanayn Karin waxa la sheegayaa in loo filayo isbeddel xagga maskaxda oo askarigan ku yimid dadka qaarkiisna u aanaynayaan isticmaalka maandooriye inuu sababay falkann uu geystey.
Booramaonline Desk
Hargeysa-Somaliland